Maxkamadaha Somaliland oo war culus ka soo saaray faragelinta mas’uuliyiinta xukuumada iyo ciidamadaba

Ceerigaabo (Caasimada Online) ― Maxkamada sarre ee gobolka Sanaag, isla markaana ah laan muhiima oo ka tirsan maxkamadaha Somaliland ayaa si adag uga hadashay fara-gelinta qaawan ee ay ku hayaan dacwadaha kala gedisan Mas’uuliyiinta xukuumada Somaliland iyo Ciidamada Booliskuba

Garsoore Maxamed Axmed Olol, oo kamid ah garsoorayaasha maxkamada sarre ee gobolka Sanaag, ayaa sheegay in loo baahanyahay inay madaxda Somaliland u hogaansanaadan nidaamka garsoorka.

Garyaqaankan oo la hadlayey warbaahinta ayaa waxa kale oo uu sheegay in loo baahanyahay in si isku mid ah lagu qaado dacwadaha qofka shacabka ah lagu soo eedeyo iyo midka Mas’uulka xukuumada xilka ka haya, taasi oo uu ku sheegay in sharcigu siinayo xuquuq isku mida, wuxuuna yiri

“Dacweysanuhu wuxuu ku suganyahay goobo iyo magaalooyin, aan rug ciidan ama bileys aan laheyn, gaadhsiinta qofkaa dacwadeysanaha ahi iyo yeedhmadiisa, iyo weliba mudeynta la doonayo in maxkamada uu ku yimaado, si uu dacwadan lid-ka ku ah iskaga difaaco caqabado badan ayaanu runtii kala kulana, midaasi waa qodob dhanka masaafada ah”.

“Caqabadaha ugu waaweyn iyaguna waxay naga soo wajahaan xagga ciidamada, garsoorkuna sidiisaba wuxuu ka garnaqaa xubin iyo in ka badan oo dadweyne dhexdii oo is dacweynaya ah, Sarkaal dowladeeda iyo howl-wadeen dowladeed dhexdood oo labo shaqaale dowladeed ah oo is dacweynaya, ama xubin dadweyne iyo sarkaal dowladeed oo is dacweynaya, markaa sidaasay maxkamaduhu ugu garnaqaan”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Sarkaalkii ama shaqaalihii dowladeed amase Sarkaalkii ciidanku markay dacwadi maxkamadii ka timado, oo runtii sidii uu u soo qaabili lahaa maxkamada, iyadana dhibaato weyn baanu kala kulana, waxaana keenta fahan darro inta badan ka haysata micnaha sharcigii”.

“Waxaanu fareynaa inay laamaha ciidanka kala duwan, saraakiishooda iyo hogaankoodaba in cidii la soo dacweeyo oo ciidanka kamid ah inay ku amraan u hogaansamida sharciga, mana ah in sharcigii la yaso. Dadkuna darajo kuma kala sareeyan ee sharciga hortiisa waxay ku leeyihiin xuquuq siman”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com