Faah-faahin ku saabsan toogashada ka socota Netherlands + Sawirro

Utrecht (Caasimada Online) – Faah-faahinada kasoo baxaya toogashada ka dhacday magaalada Utrecht ee dalka Netherlands ayaa sheegaya in illaa iyo hadda la xaqiijiyey dhimashada hal qof, iyo dhaawaca dhowr qof oo kale.

Toogashada oo uu gaystay nin hubeysan ayaa ka dhacday goob tareenada laga raaco oo lagu magacaabo Fagaaraha 24 October.

Booliiska ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in weerarkan uu yahay mid argagixiso, hase yeeshee illaa iyo hadda lama yaqaan cidda fulisay, welina gacanta laguma soo dhigin ninka weerarka fuliyey, oo waa baxsad.

Ra’iisul wasaaraha dalka Netherlands¸ Mark Rutte ayaa baajiyey kulan uu la lahaa isbahaysiga talada haya, waxaana lagu war-geliyey dhacdadan.

Booliska ayaa weli wada baaritaanka.

Toogashada ayaa dhacday 10:45am xiliga magaalada Utrecht oo ku beegan 1:45pm xilliga magaalada Muqdisho.

Ninka weerarka fulinaya ayaa la sheegay inuu aad u qeylinayey, sida laga soo xigtay dad goobjoogeyaal ah.

Naga filo wixii kusoo kordha Insha Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Amsterdam
Caasimada@live.com