DEG DEG: Nin hubeysan oo toogasho ka billaabay magaalada Utrecht ee dalka Holland

Utrecht (Caasimada Online) – Nin hubeysan ayaa xabado ku furay meel laga raaco tareenada oo ku taalla magaalada Utrecht ee dalka Hollad, halkaasi oo dhowr qof uu ku dhaawacay, sida ay booliiska sheegeen.

Goobtan oo lagu magacaabo Fagaraaha 24 October, ayaa waxaa xiray booliska, waxaana loogu yeeray baabuurta gurmadka deg degga ah.

Toogashada ayaa dhacday 10:45am xiliga magaalada Utrecht oo ku beegan 1:45pm xilliga magaalada Muqdisho.

Ninka weerarka fulinaya ayaa la sheegay inuu aad u qeylinayey sida laga soo xigtay dad goobjoogeyaal ah.

Illaa iyo hadda lama yaqaan waxa uu yahay ninkan hubeysan, iyo ujeedkiisa midna, waxaana booliska ay sheegene in weli aysan gacanta ku dhigin.

Naga filo faah-faahin dhowaan, insha Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Amsterdam
caasimada@live.com