“Marwada koowaad ee Jabuuti iyo marwada Farmaajo” Daawo hadalkii yaabka lahaa ee Xasan Aadan Samatar

Muqdisho (Caasimada Online) – Fanaanka weyn Xasan Aadan Samatar oo ka qeyb galay xaflad Casho sharaf ah oo Muqdisho loogu qabtay wafdigii madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa jeediyey hadal abuuray hadal-hayn badan.

Xasan Aadan Samatar, ayaa aad u ammaanay marwada koowaad ee Jabuuti Khadra Maxamuud Xayd, hase yeeshee maamuuskii ana lahayd siin marwada koowaad ee Soomaaliya Saynab Cabdi, markii uu magacaabayey.

“Waxaan salaamayaa marwada koowaad ee Jabuuti iyo marwada Farmaajo” ayuu yiri Xasan oo marwada koowaad ee Soomaaliya aan siin maamuuskeeda, ku qeexay kaliya marwada Farmaajo.

Hase yeeshee, Xasan oo sanooyinkii dambe ku noolaa Jabuuti, wuxuu sheegay in marwada koowaad ee Dalka Jabuuti ay wax badan garab taagan tahay Fanka iyo Fanaaniinta,

Markuu in Cabaar ah waday ammaanta marwada koowaad ee Jabuuti, ayaa dhagta wax loogu sheegay oo la xasuusiyey marwada dalka, wuxuuna ugu yeeray magaceeda isaga oo raali gelin siiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Soomaalida baraha bulshada ayaa fasiraado kala duwan ka bixiyey hadalka Xasan Aadan. Qaar ayaa ku sheegay inay daacad ka ahayd oo ay ka tan badan tahay wixii ay u qabatay Khadra Xayd, halka qaar ay ku qeexeen farriin uu u dirayo Villa Somalia oo ah inay dayaceen fankii Soomaaliya.

Hoos ka daawo Xasan Aadan Samatar

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com