Warbixin: Qarax ka dhacay Gaalkacyo iyo mas’uul sare oo lagu dhaawacay !!

Gaalkacyo (Caasimada Online)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in qarax lala eegtay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee gobolka Mudug dhanka maamulka Puntland.

Farxaan Cali Xaad, gudoomiye ku xigeenka gobolka Mudug ayaa ku dhaawacmay qaraxa ka dhacay bartamaha magaaladaasi, gaar ahaan kasoo horjeedka xarunta qeybta booliska magaalada Gaalkacyo.

Sida  ay sheegayaan wararka aan helayno qaraxa ayaa loo malaynayaa in loogu xiray gaarigiisa, waxaana dhaawac uusoo gaaray mid kamid ah dadkii ilaalada u ahaa.

Taliska booliska magaalada Gaalkacyo ayaa ka hadlay qaraxa maanta, waxaana la xaqiijiyay dhaawaca soo gaaray Farxaan Xaad, kaasi oo la dhigay xarun caafimaad oo ku taala magaalada.

Cabdulaahi Shire Dhool, taliyaha ciidamada booliska Mudug, ayaa sheegay in Farxaan uu dhaawac kasoo gaaray dhanka lugaha gaar ahaan bowdada, waxaana lagu baxnaaninayaa isbitaalka magaalada.

Dhaawaca Gudoomiye ku xigeenka ayaa lagu sheegay inuu yahay mid Fudug, iyadoo ay socdaan baaritaano ku aadan sidii loo qaban lahaa dadkii ka dambeeyay qaraxa.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com