Xog: Odayaal beeleed buux dhaafiyay Xafiiska R/W CCC Sharma’arke, Sabab?

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow naga soo gaaray dhanka Xafiiska R/W CCC Sharmaarke, ayaa sheegaya in halkaasi ay buux dhaafiyeen Odayaal dhaqmeed kasoo kala Jeeda Beelaha soomaaliyeed.

Odayaasha ayaa la sheegayaa inay isugu jiraan kuwo balan la lahaa Ra’isul wasaaraha iyo kuwo qaab qabiil lagu mootiyay iridka Madaxtooyada waxaana la Tilmaamayaa in Ujeedkoodu yahay in R/W CCC ay ku wargaliyaan Siyaasiyiinta uga midnoqon karto Xukuumada cusub.

Odayaasha oo siyaabo kala duwan ula kulmay Ra’isul wasaaraha, ayaa waxa ay hadana hoosta ka dhiibayen Liisas ay ku qornaayen raga uga qebqaadan doona Xukuumada cusub gaar ahaan xilalka wasiirada iyo ku-xigeenadooda ee la filaayo in dhawaan la magacaabo.

Dhanka kale, R/W CCC Sharmaarke ayaa waxaa horay loogu dhiibay liis la sheegay inay ku qornaayen golaha cusub ee Xukuumada, kaasi oo laga soo gudbiyay Xafiiska Madaxweyne Xassan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com