War-murtiyeed laga soo saaray wada-hadalladii Xasan Sheekh iyo Siilaanyo

Muqdisho (Caasimada Online) – War murtiyeed ayaa laga soo saaray wada hadalkii shalay ku dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, kadib markii shalay ay ku kulmeen magaalada Jabuuti.

Wada hadalada oo ahaa shalay mid horu dhac ay ayaa labada dhinac maanta waxay ku heshiiyeen qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin in dib loo bilaabo wada hadaladii u dhaxeeya 15-16 bisha Janaayo ee sanadka soo socda 2015, laguna qabto magaalada Istanbul ee dalka Turkiga

Sidoo kale labada dhinac ayaa ku heshiiyay in arrimaha siyaasada ee masiiriga ah in lagu dheeraado, lana furliyo waxyaabihii horay loogu heshiiyay, isla markaana laga dhowrsado wixii wada hadalada carqalad gelin karo.

Waxaa kaloo labada dhinac ay ku heshiiyeen in aan la siyaasadeyn deeqaha bani’aadanimada iyo mashaariicda dib u dhiska ah, lana dhiira geliyo.

Qodobada kale ee lagu heshiiyay waxaa ka mid ahaa in la fuliyo heshiiskii dhinaca hawada, isla markaana la sameeyo gudiyadii farsamada ahaa, waxaa sidoo kale qodobada ku jiray in labada dhinac ay isla gartaan in wada hadaladooda laga qeyb geliyo wadamada saaxibada la ah.

War murtiyeedkan oo laga soo saaray xafiiska Madaxtooyada Jabuuti ayaa ka dambeeyay markii Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Somaliland ku casuumay jabuuti, si ay uga wada hadlaan, maadaama wada hadaladii labada dhinac u dhaxeeyay uu hakad galay.

Labada Madaxweyne ayaa la filayaa in isla maanta ay dib ugu laabtaan magaalada Muqdisho iyo Hargeysa, waxaana labada dhinac kala wehlinayay Wafuud kala duwan oo heer Wasiir iyo La taliyeyaal ah.

Waa markii labaad oo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Maamulka Somaliland ay kulmaan, iyadoo sanadkii hore ay ku kulmeen dalka Turkiga, xilligaasoo wada hadalkooda uu goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaarihii Turkiga oo hada ah Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan.

Isha: Jowhar