Kay oo dadaal ugu jira in laba mas’uul aan lagu soo darin xukuumadda cusub

Muqdisho (Caasimada Online)-Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay, ayaa dadaal xoogan ugu jira in Xukuumada Cusub aysan kamid noqon Laba Siyaasi oo saaxiib dhow la ah Madaxweyne Xassan.

Ilo wareed ka tirsan DF Somalia, ayaa xaqiijiyay in Kay uu kulan gaar ah la qaatay R/W CCC Sharmaarke islamarkaana kala hadlay sida Xukuumada dhalan doonta aysan uga dhex muuqan Labada Siyaasi ee kala ah C/kariin Guulleed iyo C/llahi Sambaloolshe oo horay ugu soo fashilmay xilalkii ay soo qabteen.

Ilo wareedka ayaa intaa kusii daraayo in Kay uu CCC u sheegay in soo laabashada labadaasi Mas’uul ay meesha ka saari karto kalsoonida Xukuumada Cusub, iyadoona ay suuragal noqoneyso in eedeymihii Madaxweyne Xassan ee ku aadanaa nin jecleysiga soo baxdo.

Waxa uu uga digay in Xukuumadani oo ay uga harsan tahay muddo kooban ay hana weyso dalka, maadama uu yiri ay horay u jireen dhaliilo ku saleysnaa Badda Somalia, hadana ay soo ifbaxeyso in Siyaasad ku saleysan Xarako jecleysi oo micnaheedu tahay in Madaxweynaha uu qorsheynaayo in Labadaasi Mas’uul uu mar kale dib ugu soo celsho xukuumada cusub.

R/W CCC Sharmaarke ayaa waxaa hada ku kacsan Kontameeyo Xildhibaano ka tirsan BF Somalia kuwaasi oo isugu jira kuwa looga baxay balamo laga qaaday iyo kuwa aan ku qanacsaneyn imaanshaha R/W CCC.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com