Faah Faahin Qaraxyo Caawa Ruxay Magaalada Jowhar ee G/Sh/Dhexe.

Jowhar (Caasimada Online) War hadda na soo gaaray ayaa wuxuu sheegaya in qarax wayn uu caawa ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellaha Hoose.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu watay qof rabay in uu isku qarxiyo masaajid ku yaalla xaafadda Hanti-wadaag ee magaalada Jowhar.

Sida ay lee yihiin dadka ku sugan Jowhar qofka is qarxin rabay ayaa ku qarxay albaaka hore ee masaajidka, waxana la sheegayaa in uu bubur ballaaran uu gaarsiiyay masaajidka, isla markaana uu jiro dhaawacyo soo gaaray dadkii ku sugnaa masaajidka.

Qaraxa ayaa waxa uu dhacay xilli salaada cishaha la tukan rabay oo masaajidka ay soo galayeen dad aad u badan.

Markii uu qaraxa ka dhacay waxa soo gaaray masaajidka ciidamo ka tirsan dowladda, kuwaasoo isku gadaamay masaajidka oo dhan, waxana ay qabqabteen dhowr qof oo masaajidka xilligaas ku sugnaa.

Xaallada magaalada Jowhar gaar ahaan xaafadda uu ka dhacay qaraxa ayaa lagu soo waramayaa in ay kacsan tahay.

Ma jirto koox sheegatay qaraxa ismiidaaminta ee caawa ka dhacay xaafada Hanti-wadaag ee magaalada Jowhar.

Waa qarixii ugu horreyay oo isku soo xiro qof rabay in ismiidaamiyo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho