HRW oo cambaareysay Kenya

Nairobi (Caasimada Online) Hey’adda ilaalisa xuquuqda aadanaha ee HRW ayaa cabaareysay dowladda Kenya oo shaacisay in magaalooyinka ka rari doonto illaa 55,000 oo qof oo Soomaali ah.

Hey’adda ayaa sheegtay in tallaabadaas ay tahay mid sharci daro ah isla markaana ka fog arrimaha bini’aadinimada.

Dadka laga raafayo magaalooyinka Kenya waa kuwa qaab qoxooti  ahaan u-diiwaangashan iyo kuwa magangalyo doon ah.

Human Rights Watch ayaa sidoo kale sheegtay in warqad si sir ah looga helay xarunta madaxtooyadda Kenya , lagu faraayay in la billaabo raaf ka dhan ah qoxootiga Soomaalida ee ku nool magaalooyinka.

Arrintaas waxaa cambaareyay siyaasiyiin reer Kenya  ah, kuwaasoo ku  tilmaamay warkaas mid aad u xun oo lagu doonayo in lagu dhibaateeyo Soomaalida ku dhaqan Kenya.

Si kastaba, tan iyo markii Kenya ay ku amartay dadka Soomaalida ee ku dhaqan magaalooyinka ay iska xaadiriyaan xeryaha qoxootiga gobalka waqooyi bari,waxa jira Soomaali badan oo dib ugu laabtay Muqdisho.

Magaalooyinka Kenya gaar ahaan xaafadda Islii oo ay ku badan tahay Soomaalida waxa katagay Soomaali badan oo ku soo laabtay Muqidisho.

Dowladda Kenya ayaa ugu baaqday dadka Soomaalida in ay is-diiwaangaliyaan si loogu caawiyo in ay dib loogu celiyo Somaaliya.

Kenya waxa ay ka cabsi qabtaa in doorashooyinka soo socda ay ka dhacaan wax yaabo amniga qalqal galin kara.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi