Qaraxyo gil-gilay magaalada Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in halkaas ay maanta ka dhaceyn qaraxyo kuwaasoo lala eegtay gawaari ay la socdeen askar maamulka KMG ah ee Jubba ka tirsan.

Dad goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxyada oo labo ahaa ay ka dhasheyn khasaaro balse xog badan lagama hayo.

Qaraxyada oo magaalada si weyn looga maqlay ayaa la sheegay in markii ay dhaceyn la maqlay rasaas ay fureen ciidamada la socday gaadidka.

Qaraxyada kaddib magaalada waxaa ka dhacay howgallo balse lama soo sheegin cid lagu soo qabtay.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka KMG ah ee Jubba oo ku aadan qaraxyada maanta ruxay Kismaayo.

Magaalada Kismaayo waxaa gacanta ku haya maamulka Axmed Madoobe, waxaana dhacda in mararka qaar lagu weerarro qaraxyo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com