Ismaacil Cumar Gelle Jabuuti muxuu u sheegay Jaaliyada Somalida ee Mpls

Minneapolis (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xalay magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka kula kulmay jaaliyadda Soomaalida iyo kuwa Jabuuti ee ku nool gobolka Minnesota.

Jaaliyadda Soomaalida oo kaashaneysa kuwa Jabuuti ayaa soo qaban qaabiyay kulanka.

Guddoomiye ku xigeenka guddiga qurba joogta Soomaalida Sadiiq Warfaa ayaa Bar-kulan u sheegay in Madaxweynaha Jabuuti ay ugu mahadceliyeen dadaalka uu ugu jiro sidii Soomaaliya ay u heli laheyd nabad iyo horumar.

Wuxuu tilmaamay in Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu sheegay in shacabka Soomaalida ay fursad u heystaan sidii ay ugu shaqeyn lahaayeen nabadda iyo horumarka dalka, isagoo ballan qaaday in dowladdiisu ay sii wadi doonto taageeridda Soomaaliya.

Sadiiq Warfaa ayaa dhan kale tilmaamay inay wadaan qaban qaabada munaasabad lagu soo dhaweynayo madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu wado inuu caawa jaaliyadda Soomaalida kula kulmo magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xilli sii horeysay wareysi gaar ah siiyay Radio Bar-kulan ayaa tilmaamay in jaaliyadda Soomaalida ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka uu kala hadli doono sidii ay ugu qeyb qaadan lahaayeen dadaallada nabadda iyo horumarka ka socda dalka, uuna ugu warbixin doono xaaladda uu marayo dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Minneapolis

Caasimada@live.com