Wasiir hadal aan laga fileyn ku sharaf dilay ciidanka Somalia balse Amisom…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Beyleh oo ka hadlaayay Arrinta keentay Aaminaansho la’aanta dhaqaalaha Beesha caalamku ay ugu yaboohdo Somalia, ayaa waxa uu sheegay inay tahay mid ku xiran Amaanka Dalka.

Wasiir Beyleh waxa uu Tilmaamay in Dalka ay ka jirto xaalad adag, islamarkaana aysan jirin qalab u sahli kara inay ku xakameeyan Dhaqaalaha Dowlada kasoo gaara Caalamka.

Waxa uu sheegay in sidoo kale, ay jiraan aqoon darri ku aadan qaabka maareynta dhaqaalaha oo heysata Dowlada, waxa uuna tilmaamay in wax waliba ay isbedeli doonaan lana kaashan doonaan Dowladaha aqoonta u leh.

Sidoo kale, Wasiir Beyleh waxa uu Carabka ku dhuftay in Dalka Somalia uu u baahan yahay in laga soo dhiso dhan waliba, waxa uuna hadalkiisa ku muujiyay inay jirto aaminaad darro Soomaalida dhexdeeda ah waxa uuna daliil usoo qaatay in Askariga Soomaaliga ah aan lagu aamini karin ammaanka Madaxweynaha balse ay sugaan Ciidamo kuwa Nabad ilaalinta AMISOM ah.

Dhanka kale, waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyay Ammaanka iyo xasiloonida Dalka, waxa uuna sheegay in dadka soomaaliyeed looga baahan yahay inay is aaminaan, kana shaqeeyan Horumarka Dalkooda si meesha looga saaro Eedeymaha is xig-xiga.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com