Khaatumo State oo u guurtay magaalo ay maamusho maamulka SOMALILAND

Laasacaanood (Caasimada Online) – Maamulka Khaatumo State ayaa ku dhawaaqay in ay ka guureyn magaalada Taleex halkaasoo ay u ahayd xaruntoodii hore iyagoona shaaciyay in ay u wareegeyn magalada Laascaanood.

Sarkaal u hadlay maamulka Khaatumo State oo lagu magacaabo Axmed Gacma-Yare ayaa sheegay in maamulka Khaatumo State wixii hadda ka dambeeya ay xaruntooda noqon doonto Laasa-caanood.

Wuxuu sheegay in arrintaas looga dhawaaqay shirkii 3-aad ee uu yeesho maamulkooda kaddibna la isku raacay in loo guuro magaaladaas.

Mar uu ka hadlaayay sababta ay ugu wareegeyn Laasacaanood, wuxuu tilmaamay in ay tahay markii dhowr jeer ay maamulada Somaliland iyo Puntland soo weerareen degmada Taleex oo horrey xarun u ahayd.

Axmed Gacma-Yare ayaa xusay in la ballaariyay maamulka Khaatumo State oo ka arrimiya gobalada Sool, Sanaag iyo Ceyn.

Mar uu ka hadlaayay Laasacaanood ay gacanta ku hayaan askarta maamulka Somaliland in ay dhahaan halkaas ayaan xarun ka dhiganeynaa, wuxuu ku celceliyay in Laasacaanood ay ka tirsan tahay Khaatumo State.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in Khaatumo State ay diyaar u tahay in la helo Somaliweyn isla markaana ay diyaar la tahay in la shaqeyso dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Maamulka Khaatumo State ayaa xubnihii ka tirsanaa waxay horey ugu kala biirayn maamulada Puntland iyo Somaliland.

Caasimada Online

Xafiiska Laasacaanood

Caasimada@live.com