DFS oo darajooyinka ka qaaday 400 oo saraakiil ah kadib markii la ogaaday..

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada xoogga dalka, Daahir Aadan Cilmi (Indho-Qarshe) ayaa ka dhawaajiyay in ku dhawaad 400 oo sarakaiil ciidamada dowladda ka tirsan kuwaasoo sheegtay daroojiyin aaney lahayn.

Isagoo saxaafadda kula hadlaayay xarunta wasaaradda gaashandhigga Soomaaliya, ayuu taliye Indha Qarshe wuxuu tilmaamay in saraakiishaas ay xirnaayeen darajooyin aaney lahayn sidda, sarkaal, abaandule iyo darrajooyin kale.

Wuxuu tilmamaay in arrintaas si loo soo baaro la sameeyay guddi kuwaasoo soo ogaaday arrinta ku saabsan 350 sarkaal oo ciidamada ka tirsan.

Taliyaha ciidamada xoogga ayaa xusay in la ogaaday saraakiishaas in darajooyinka ay wataan ay yihiin kuwa been abuur ah isla markaana laga wada qaaday sidda uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay markii arrintaas ay sameeyeen in lagu wargaliyay golaha wasiiradda xukuumadda loona sharxay sidda ay arrintaas u dhacday iyagana ay soo dhaweeyeen tallaabada taliska millitariga uu qaatay.

Si kastaba, taliska ciidamada xoogga ayaa horrey shaqada uga eryay ku dhawaad 1000 askari oo isugu jirra dumar iyo rag kuwaasoo la sheegay in ay isugu jiraan kuwa howl gab ah iyo kuwa qabta shaqooyin kale.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com