XOG: Xagee ayay ku dambeeyeen 5-tii ruux ee loo qabtay qaraxii DJIBOUTI?

Hargeysa (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ka tirsan Maamulka Somaliland, ayaa xaqiijiyay in Dowlada Djibouti ay si xun u dishay Shantii ruux ee loo qabtay Weerarkii ka dhacay goob lagu caweynaayay oo ku tiilay Magaalada Jabuuti.

Wararka ayaa sheegaya in Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Dowlada Djibouti 2/08/2014 ay si Qarsoodi ah Magaalada Hargeysa ugu soo celiyeen Afar qof oo ka mid ahaa shanti ruux oo ay Maamulka Somaliland u gacan galisay Sirdoonka Djibouti.

Afarta Maxbuus ee la soo celiyey, ayaa la sheegay in si arxandaro ah loo jir dilay isla markaana ay qabaan dhaawacyo halis ah oo laga yaabo inuu saameyn ku yeesho Caafimaadka Mustaqbalkooda, waxaana qaarkood laga dareemayaa inay naafeysay Koronto loo adeegsaday oo aysan qaadi Karin lugaha iyo gacmaha.

Xogta ayaa waxa ay intaa kusii dareysaa in Ruuxa kale ee kamidka ahaa Afartaasi uu u Geeriyooday Jir Dilkii lagu sameeyey dartii, waxaana la Tilmaamayaa inuu kamid ahaa shaqaalaha Xawaalada Jubba Express, sida laga soo xigtay Illo xog-ogaal ah.

Sirdoonka Jabuuti oo ka careysnaa Weerarkii lagu laayay Saraakiil cadaan ahaa oo ka dhacay Magaalada Jabuuti, ayaa waxa ay kala dul dhaceen Shantaasi ruux oo xiligaani Naafo noqday.

Dhanka kale, Sirdoonka Jabuuti, ayaa waxa ay Qaraxaasi u hayaan dhalin yaro kale oo iyaguna Kiiskaasi lagu helay, waxaana Arrintaasi gacan weyn ka siinaya Sirdoonka Maamulka Somaliland oo iyagu si mala awaal ah Jabuuti ugu gudbinaayo Ruux waliba oo ay uga shakiyaan Qaraxaasi.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

caasimada@live.com