26.9 C
Mogadishu
Saturday, August 23, 2025

Faah-faahinta dagaal culus oo maanta ka dhacay gobolka Gedo

Bookmark
Bookmarked

Share

Garbahaarey (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal culus oo maanta ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Gedo, kaas oo u dhexeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Dagaalka oo ahaa mid xooggan ayaa waxaa qaaday ciidamada Xoogga dalka oo weeraray fariisimo ay Al-Shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Birta Dheer oo hoostaga degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaalka.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada weerarka qaaday ay heleen xog ku aadan in xubnaha Al-Shabaab ay isku uruursanayeen halkaasi, kadibna ay ku beegsadeen fariisimahooda, halkaas oo lagu gaarsiiyay khasaare aad u culus.

Saraakiil ka tirsan milatariga ayaa sheegaya in howlgalka uu u dhacay sidii loo qorsheeyay, isla markaana ciidanku ay burburiyeen saldhigyo iyo gabaadyo kooxdu ku laheyd halkaasi.

Sidoo kale waxa ay tilmaameen in howlgalladu ay sii socon doonaan, ujeedkan uu yahay in maleeshiyaadka Khawaariga laga saaro aagga deegaanka Birta Dheer ee gobolka Gedo.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolkan oo horay u marti geliyay dagaallo culus oo u dhexeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya & kuwa daraawiishta ee maamulka Jubaland.

Dagaalladaas ayaa xooggooda waxa ay ka dhaceen Beledxaawo oo ay haatan si buuxda ula wareegtay degmadaasi, waxaana laga adkaay ciidankii Jubbaland ee ku sugnaa halkaasi.

Dowladda dhexe ayaa qorshe culus ka damacsan gobolka Gedo, waxaana warar qaar ay tilmaamayaan inay ka dhisi doonto Jubaland cusub, si looga fuliyo qorshaha Villa Soomaaliya ee ay ugu horreyso hirgelinta doorashada qof iyo codka ah oo weli la’isku hayo

- Advertisement -

Read more

Local News