Faah-faahinta dil ka dhacay Hargeysa iyo eedeysanihii oo gacanta lagu dhigay

Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska Somaliland ayaa ku guuleystay soo qabashada nin loo haysto dil shalay ka dhacay xaafadda Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa.

War rasmi ah oo lagu baahiyay barta Facebook ee Booliska ayaa lagu sheegay in, kadib dadaal dheer, ay ciidamadu gacanta kusoo dhigeen eedeysanaha.

Ninkan ayaa lagu magacaabaa Yaxye Maxamed Abees, waxaana la tuhunsan yahay inuu fiidnimadii Khamiista dilay Marxuum Guuleed Maxamed Yuusuf.

Sida lagu sheegay warbixinta Booliska, eedeysanaha ayaa lagu qabtay kantaroolka galbeed ee magaalada, iyadoo la filayo in si degdeg ah loo horgeeyo hay’adaha garsoorka.

Dilkan ayaa noqonaya kii labaad ee muddo kooban ka dhaca xaafadda Maxamed Mooge, kadib markii dhowaan halkaas lagu dilay taliyihii saldhigga booliiska ee degmada, kaasoo gacan ku dhiiglihii falkaas la qisaasay.

Boolisku ma shaacin faahfaahin ku saabsan sababta keentay dilkan iyo hubka loo adeegsaday.

Hargeysa, oo ah caasimadda Somaliland, ayaa ka mid ahayd deegaanada ugu nabdoon ee maamulka. Hase yeeshee, muddooyinkii dambe waxaa ka dhacayay falal dil ah, kuwaas oo qaarkood lala anfariiray.