Faah-faahinta heshiis cusub oo Somaliland ay ku saxiixday Addis Ababa + Sawirro

Addis Ababa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa heshiis cusub ku saxiixday magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya.

Heshiiskan oo ah mid caafimaad ayaa waxaa qalinka ku duugay wasiirka caafimaadka Somaliland Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi oo uu wehlinayo agaasimaha isbitaalka guud ee Hargaysa oo muddooyinkii u dambeeyey safar shaqo ku joogay magaaladda Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Heshiisyadan oo sidoo kale ah kuwo hordhac ah ayaa waxaa lagu mataanaynaya isbitaallada kala; APEX Indian Hospital iyo Hargeysa Group Hospital.

Heshiisyadan caafimaad ee lagu mataanaynayo labada isbitaal ayaa wax weyn ka tari doona bukaannadii waddanka dibadiisa u doonan jiray adeegyada caafimaad.

Sidoo kale heshiiskan ayaa suuro-gellin doona in dhakhaatiirta ka hawl-gasha isbitaalka Hargaysa ay tababaro ka helaan Indian APEX Hospital, islamarkaana markaana Hargeysa Group Hospital ay iman doonaan dhakhaatiirtii loo tagi jiray dalka India.

Isbitaalka weyn ee Hargeysa oo muddooyinkii dambe si weyn looga deyrinayay adeegyada uu bulshada u hayo ayaa waxaa la filayaa in tallaabadan ay wax badan ka tari doonto tayada adeega caafimaad ee uu bixiyo isbitaalka.