29.9 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Faah-faahinta hordhaca ah qarax ka dhacay isgoyska Ceelgaabta ee Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax goordhow ka dhacay magaaklada Muqdisho, gaar ahaan aagga isgoyska Ceelgaabta.

Qaraxu wuxuu ka dhacay goob ciidamada booliska degmada Xamarweyne ay ku leeyihiin bar control oo gaadiidka lagu baaro, waxaana ilaa hadda la ogaanin nooca uu ahaa.

Ilo wareedyo dhanka ammaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamada qaraxaas loo geliyey goob ay ka jaajareystaan taleefoonada oo aad ugu dhow barta control ee gaadiidka ay ku baaraan.

Wararka qaar waxay sheegayaan in qaraxaasi uu ahaa Bam goobta lagu tuuray, balse weli boolisku wax faahfaahin ah kama soo saarin.

Sidoo kale, ilaa hadda ma jiro khasaare lasoo weriyey, maadaama ay tahay xilli habeen ah oo xogta la helayo ay aad u kooban tahay, booliskuna uusan soo saarin wax faahfaahin ah.

Ciidamada qaraxa lala beegsaday ayaa goobta xiray oo joojiyey isku socodka bulshada iyo gaadiidka, waxaana qaraxa kadib dhacay xabado ay ciidanku fureen.

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa lagu wadaa in arrintaan uu faahfaahin ka soo saaro, gaar ahaan sida qaraxaasi uu u dhacay, nooca uu ahaa, khasaaraha uu geystay iyo hadii ay jirto cid loo soo qabtay.

Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online.

- Advertisement -

Read more

Local News