25.6 C
Mogadishu
Friday, June 20, 2025

Faah-faahinta hoobiyeyaal lagu garaacay XALANE

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno duwan ayaa kasoo baxaya tiro hoobiyeyaal ah oo saaka aroortii hore lagu garaacay gudaha Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo si weyn looga dareemay gudaha caasimada.

Illaa 5 hoobiye ayaa lasoo wariyay inay ku dhaceen gudaha xerada iyo qaar kamid ah xaafadaha u dhow degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Hoobiyeyaasha ayaa waxaa laga maqlay degmooyinka qaar ee gobolka, waxaana haatan socda dhaq-dhaqaaq ay wadaan laamaha ammaanka oo ku aadan weerarkan.

Wax-yar kadib waxaa sidoo kale garoonka laga shiday seeriga bixiyo digniinaha marka la dareemo in ay jiraan xaaladaha halista ee la xiriira amniga garoonka Muqdisho.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha hay’adaha amniga oo ku aadan hoobiyeyaasha lagu garaacay garoonka Aadan Cadde iyo xerada Xalane.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana si caadi ah ku socda shaqada garoonka oo ma jiro wax saameyn ah oo uu ku yeeshay weerarka hoobiyeyaasha ee lagu qaaday.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo todobaadkii hore degmooyinka Xamarweyne iyo Xamarjajab lagu garaacay hoobiyeyaal, kuwaas oo dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Waxaa kasii horreeyay weerar kale oo lagu qaaday agagaarka madaxtooyada, waxaana mid kamid ah madaafiicda xilligaasi uu ku dhacay xarunta Tiyaatarka Qaranka ee magaalada Muqdisho, ayada oo uu ku dhaawacmay mid kamid ah howlwadeennada Tiyaatarka.

Dhammaan weeraradan ayaa kusoo aadayo xilli haatan dowladda Soomaaliya ay dagaal adag kula jirto Khawaarijta, isla markaana la’isku hayo furimaha hore ee dagaalka.

Kooxda ayaa muddooyinkii dambe xoogga soo saartay gobollada Shabeellooyinka oo haatan ay ka socdaan dagaallada, waxaana sidoo kale lagu arkay deegaanno u dhow Muqdisho, sida Ceelasha Biyaha, Lafoole, Xaawo Cabdi iyo dhinaca waddada Balcad.

- Advertisement -

Read more

Local News