Cadale (Caasimada Online) – Faah-faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo Sabtidii shalay maleeshiyaad ka wada tirsan kooxda Al-Shabaab ku dhexmaray degmada Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasi oo khasaare gaystay.
Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu dhex-maray koox ka tirsan Al-Shabaab, ayna kala hoggaaaminayeen laba horjooge oo uu soo kala dhex-galay khilaaf xoogan.
Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay dagaalka ka dhex-qarxay maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegtay inay isku qabteen guul darradii kasoo gaartay howlgallkii u dambeeyay ee ka dhacay deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
“Waxaan rabaa in Ummadda Soomaaliyeed la wadaago in maanta ay ku dhex dagaalameen degmada Masaajid Cali Gaduud koox ka tirsan Khawaarijta, iyaga oo isku haysta fashilintii iyo dayicii ka dhacay Wargaadhi” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Sheekh Abuukar Maxamed oo faah-faahin ka bixiyay dagaalkaasi.
Sidoo kale, afhayeenka ayaa tilmaamay in dagaalka uu dhex-maray maleeshiyaad ay kala wateen horjooge Cabdullahi Cali Caraay iyo horjooge kale oo lagu magacaabo Suleymaan, isaga oo tilmaamay inay isku eedeynayaan fashilka dagaalkii dhacay.
“Wuxuu dagaalka dhex-maray dhagar qabayaasha lagu kala magacaabo Cabdullahi Cali Caraay oo u dhashay deegaanka Wargaadhi iyo dhagarqabe lagu magacaabo Suleymaan oo u adeegaayay shaydaanka lagu magacaabo horjooge Kabakutukade, waxayna ku murmeen mas’uuliyadda cidda qaadaneyso howlgalkii fashilmay” ayuu sii raaciyay.
Waxaa kale oo uu yiri “Wax kasta oo xaq-darro ku billowda waxay ku dhamaadaan xaq-darro, labada qofood ee xaaraan ku heshiisa xaq ayaa isku dira”.
Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in maleeshiyaadka ay kala wataan labada horjooge ay ku sugan yihiin aagga degmada Masaajid Cali Gaduud oo ay dhowaan la wareegtay kooxda Al-Shabaab.
Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda oo ku aadan dagaalkaasi, mana cadda inta uu la egyahay khasaaraha soo kala gaaray labada garab ee wada dagaalamay.
Ma’ahan markii ugu horreysay ee ay wada dagaalamaan xubno ka tirsan Al-Shabaab, ayada oo horay sidaan oo kale ay ugu dagaalameen qeybo kamid ah gobollada dalka.