Faahfaahin ku saabsan qarax ka dhacay suuqa Bakaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo xalay ka dhacay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan suuqa Bakaaraha, kaas oo ay jugtiisu si xoogan u maqleen dadka deegaanka.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa in xalay saq-dhexe lagu xiray xarun ganacsi oo ku taalla agagaarka isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Weerarkan ayaa waxaa fuliyay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo goobta ka baxsaday, waxaana goor dambe meesha gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka.

Ma jiro wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay qaraxan, balse waxaa lasoo wariyay in burbur uu soo gaaray dhismaha xarunta ganacsi ee la weeraray.

Sababta loo beegsaday goobtan ganacsi ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay, kadib markii lagu xiray kaamirada qarsoon ee CCTV oo ay amartay dowladda Soomaaliya, balse waxaa dhanka kale ka horyimid kooxda Al-Shabaab oo haatan bilowday beegsiga ganacsatada.

Weerarkan ayaa kusoo aaday, ayada oo Khamiistii uu suuqa Bakaaraha booqday taliyaha NISA, Mahad Salaad oo u kuurgeliyaya ammaanka iyo waxa ka dhaqan-galay amarkii kasoo baxay hay’adda ee ku aadanaa in goobaha ganacsiga lagu xiro kaamirooyinka CCTV.

Waxaa qaraxan ka horreeyay mid kale oo dhawaan ka dhacay agagaarka isgoyska Black Sea, kaas oo lala beegsaday dukaan lagu biiyo qalabka baabuurta ee Spare Parts-ka oo isna  lagu xiray Kaamirada, waxaana ka horreeyay qaraxyo kale oo lala eegtay xarumo kale

Si kastaba, magaalada Muqdisho ayaa maalmihii u dambeeyay ammaankeeda waxa uu ahaa mid deggan, waxaana howlgallo ka wadan ciidamada dowladda Soomaaliya.