Toogasho maanta ka dhacday Muqdisho + Khasaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay xalay dabley hubeysan ka fulisay xaafadda Daarusalaam ee magaalada Muqdisho, kaas oo lagu dilay dad shacab ah, kuwa kalena lagu dhaawacay.

Weerarkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu beegsaday maqaayad ku taalla deegaankaas oo ay dad badan ku caweynayeen.

Dadka maqaayadda fadhiyay ayaa sidoo kale qayilayay, waxayna isugu jireen odyaal iyo rag dhalinyaro ah, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Wararka ayaa sheegaya in marka hore maqaayadda lagu tuuray bam-gacmeed, waxaana kadib xigay toogasho toos ah oo loo geystay raggii maqaaxida ku sugnaa.

Ugu yaraan 5 qof ayaa goobta ku dhintay, halka tiro kale oo kamid ahaa dadka meesha ku sugnaa ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen.

Kooxda weerarka fulisay oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa goobta isaga baxsaday, kadib toogashadaasi.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi dadka badan lagu dilay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana ciidamada ammaanka ay haatan wadaan dabagal ay ku hayaan raggii ka dambeeyay falkaas oo weerarka kadib meesha ka cararay.

Al-Shabaab ayaa horay u shaacisay inay beegsaneyso goobaha lagu iibiyo iyo meelaha lagu isticmaalo waxyaabaha maanka dooriya, sidoo kalena ay la dagaalameyso ciyaal weerada.