Daawo: Itoobiya oo qaaday tallaabo la xiriirta dagaalka magaalada Laascaanood

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda fedferaalka Itoobiya ayaa faragelisay dagaalka uu dhiigga badan ku daatay ee weli ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo u dhexeeyo ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in dowladda Itoobiya ay wafdi usoo dirtay arrinta magaalada Laascaanood, si ay u waan waan uga dhex bilaabaan labada dhinac.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, wadigan Itoobiyaanka ah ayaa ku hormaray magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, halkaas oo ay wadahadallo gaar ah kula soo yeesheen madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaga oo kala hadlay dagaalka weli ka socda Laascanood.

Labada dhinac ayaa isku afgartay in la dhaqan-geliyo xabad joojintii ay horay ugu dhawaaqday Somaliland iyo ciidanka milatariga laga fogeeya aagga Laascaanood, taas oo uu aqbalay madaxweyne Muuse Biixi, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Intaas kadib wafdiga ka socda xukuumadda Addis Ababa ayaa gaaray magaalada Garoowe oo ay haatan ku sugan yihiin waxgaradka SSC, waxaana halkaas kusoo dhaweeyey madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash).

Wafdiga ayaa kulan gaar ah la yeeshay Ismida kasoo jeeda gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn, waxayna kala hadleen xal u helidda arrinta Laascaanood, sida aan xogta ku helnay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in odayaasha dhaqanka ee SSC ee la kulmay saraakiisha Itoobiyaanka ah ay la wadeegeen xaaladda dhabta ah ee ka jirta Laascaanood, ayaga oo beeniyay in Somaliland ay hirgelisay xabad joojintii ay horay ugu dhawaaqday.

Waxa sidoo kale labada dhinac ay ku ballameen in lasii wado dadaallada lagu raadinayo nabadda, dhankoodana ay adkeeyaan, sidii loo hirgelin lahaa xabad joojinta.

Dagaalka Laascaanood ayaa noqday arrin weyn oo taagan, waxaana horay isku-day u saameysay dowladda Jabuuti, balse ma jirto wax kasoo naasa cadaaday dagaalkeeda.