Faahfaahin: Qarax caawa ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Waaberi. Kaas oo lala beegsaday gaariga afhayeenka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Doodishe, xilli uu mararyey wadada 21-ka October, gaar ahaan agagaarka isgoyska Afisyooni.

Afhayeenka ayaa la sheegay in uusan la socon gaarigiisa markii qaraxa lala beegsaday, waxaana la soo werinayaa khasaare nafeed oo ka dhashay qaraxaas oo noociisa lagu sheegay miino la dhigay wadada dhinaceeda.

Afhayeenka booliska Sadiiq Doodishe oo qoraal kooban soo dhigay bariisa Facebook-ga ayaa yiri, “Caawa abaare 8:55 fiidnimo ayeey miino la dhigay wadada 21- Oct dhinaceeda argagixisadu la eegteen dad iyo gaadiid marayay oo uu ku jiro gaarigayga, walow xiligaas aanan la socon.”

Qoraalka Afhayeenka ayaa intaas ku sii daray, “Ilaahay mahadii cidna waxba kuma gaarin gaarigayga. Inkastoo dad wada marayay ay wax ka soo gaareen, ilaahay ha u booga dhayo qofkii wax ku noqday.  Argagixisadu nama cabsi gelin karto, nafteena horay ayaan uqidmeeynta ummadda ugu hibaynay, ajashuna ilaahay ayeey gacantiisa ku jirtaa.”

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qof shacab ah oo wadada marayey uu ku geeriyooday qaraxaas, sidoo kalena ay jiraan dhaawacyo kale oo aan illaa hadda si rasmi ah loo ogaan inta ay dhanyihiin.

Ciidamada ammaanka ayaa goobta gaaray qaraxa kadib, kuwaas oo hakad geliyey dhaq-dhaqaaqa wadada, waxayna halkaas ka sameeyeen baaritaano, aan ilaa hadda la shaacin cid lagu soo qabtay.