Xog: Farmaajo, Fahad, Qoor Qoor iyo Lafta Gareen oo kulmay iyo rajo cusub oo jirta

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Madaxweynayaasha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed  Lafta Gareen iyo kan Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ay maanta kulamo gaar gaar ah Muqdisho kula yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin.

Kulanka koowaad ayaa ka dhacay xarunta Taliska Nabad sugidda ee Habar-Khadiijo, waxuuna dhex-maray Qoor Qoor, Lafta Gareen iyo Fahad Yaasiin.

Dhinacyada ayaa kulankaas uga wadahadlay caqabadaha ka jira doorashada, gaar ahaan arrinta gobolka Gedo iyo doorashada xildhibaannada gobollada waqooyi ee Somaliland.

Labadaas qodob ayaa ah caqabadaha ugu waaweyn ee hor taagan in la guda galo hir-gelinta hanaanka doorashada dalka.

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug iyo Koofur Galbeed ayaa markii uu soo dhamaaday kulankaas ay la yeesheen Fahad Yaasiin kadib, waxay si wadajir ah ugu tageen Madaxweyne Farmaajo, iyagoo kala hadlay isla arrinta doorashada.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa la sheegay inuu dadaal ugu jiro, sidii xal loogu heli lahaa khilaafka doorashada, gaar ahaan arrinta gobolka Gedo iyo kuraasta xildhibaanada metelaya Somaliland.

Wararkii u dambeeyey waxay sheegayaan inay jirto raja ah, in madaxdu isugu yimaadaan kulan kale, si xal kama dambeys ah looga gaaro khilaafkan ragaadiyey doorashada dalka.