Kulan u socda R/W ROOBLE iyo CC SHAKUUR + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in hadda uu shir gooni ah u socdo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Kulankaas oo ah mid ay albaabadu u xiranyihiin ayaa waxaa la sheegay in labada masuul ay uga wadahadlayaan hannaanka doorashooyinka iyo tabashooyinka ka jira.

Shirkan oo hadda ka socda xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa soo bilowday salaadii makhrib ee caawa kadib, welina waa uu socdaa.

Xogta aan helnay waxay intaas ku dareysaa in Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu wakiil ka yahay golaha ay ku mideysanyihiin Midowga Musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa la sheegay in kulankan uu dalbaday Ra’iisul Wasaare Rooble oo dhowaan sheegay inuu la fariisanayo cid kasta oo tabasho ka qabta arrimaha doorashada.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xubin ka ah golaha midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya oo aad u diidan hanaanka ay dowladda federaalku u hir-gelineyso arrimaha doorashada dalka.