Sawiro: Shabaab oo caleemo saaray suldaanka beesha Jareer ee Jubbooyinka

Jamaame (Caasimada Online) – Al-Shabaab ayaa xaflad caleemo saar ah deegaanka Booriini ee duleedka ka ah dagmada Jamaame ugu sameysay Suldaan cusub oo ay u sameeyeen beelaha Jareer ee daga gobollada Jubbooyinka.

Suldaanka cusub ee beelaha Jareer ee daga Jubbooyinka waxaa lagu magacaabaa C/raxmaan Cali Cabdi.

Xafladda lasoo agaasimay waxaa lagu qabtay geesta wabiga Jubba, waxaana suldaanka cusub lagu soo dhaweeyay Kitaabka Qur’aanka kariimka, qoray AK47 ah iyo sidoo kale gaari aan nuuciisa la sheegin.

Al-Shabaab ayaa badanaa doorta Nabadoonno iyo Salaadiin taageersan kuwaas oo ay u dhiibaan talada beelaha Soomaalida oo ay deegaanadooda ku xoogan yahiin.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa sheegay in doorasho loo galay Suldaanimada isla markaana uu kusoo baxay Cabdiraxmaan Cali Cabdi.