Ma haboon tahay in xilligan ay DF gasho heshiis shidaal?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Batroolka iyo Macdanta xukuumada Soomaaliya Mudane Maxamed Muqtaar Ibraahim oo u warramay BBC-da ayaa ka hadlay arrimo ku aadan qorshaha shidaal qodista ee ay haatan wado dowladda federaalka Soomaaliya oo dhowaan dib u dhigtay saxiixa xirmooyinka shidaalka ee dalka.

Maxamed Muqtaar ayaa marka hore shaaca ka qaaday in xilligan aysan Soomaaliya geli karin heshiis shidaal, islamarkaana lagu jiro marxalad adag oo kala guur ah.

“Runtii waqti u fiican oo Soomaaliya ay heshiis shidaal geli karto ma’aha dhowr arrimood dareereed,” ayuu yiri wasiirkii hore ee Batroolka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sababta ku sheegay labo arrimood oo kala ah:- dhaqaalaha adduunka, gaar ahaan sicirka shidaalka oo hadda aad u hooseeya Covid-19 dartiis iyo siyaasadda Soomaaliya oo aan fadhin, islamarkaana lagu jiro waqti kala guur ah & doorashooyin.

Wasiirkii hore ee Batroolka iyo Macdanta xukuumada fedraalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Muqtaar Ibraahim ayaa soo jeediyey inay haboon tahay in arrimaha shidaal qodista iyo heshiisyada la galayo loo daayo dowladda cusub ee imaan doonta.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in labada shirkadood ee heshiiskan doonaya ee kala ah Liberty iyo Coastline Exploration Petroleum oo horay loo oran jiray Soma Oil and Gas ay yihiin shirkado yar yar, oo aan laheyn waayo aragnimo dheer marka loo eego kuwa kale ee ka shaqeeya arrimaha shidaal qodista, gaar ahaan in laga soo saaro badda.