Guddoomiyaha cusub ee maxkamadda sare oo soo saaray digniin deg deg ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha cusub ee Maxkamada Sare ee Ciidanka qalabka sida, Maxamuud Axmed Xasan Dalab oo maanta xilka la wareegay, ayaa markii u horeysay digniin culus u direy ciidanka dowladda.

Digniinta guddoomiyaha cusub oo si toos ah ugu socotay ciidanka dowladda Soomaaliya ee ka howl-gala Saldhigyada, ayaa waxa uu faray inay marka hore hubin iyo sugid soo mariyaan dadka ay soo qabtaan ka hor inta aysan usoo gudbin maxkamadda.

“Talisyada Saldhigyada waxaa looga baahan yahay hubin iyo sugida dadka ay soo qabtaan ka hor inta aysan u soo gudbin Maxkamada Ciidanka Qalabka sida” ayuu yiri Guddoomiyaha cusub ee maxkamadda sarre ee ciidanka qalabka sida.

Sidoo kale waxa uu xusay in looga baahan yahay talisyada saldhigyada booliska inay hubiyaan oo eegaan galka iyo marqaatiyada dadka lasoo qabtay.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in hanaanka dacwd gudbinta ay usoo maraan nidaam waafaqsan sharciga dalka u yaalla.

Guddoomiyaha cusub ayaa ballan-qaaday inuu ka shaqeyn doono sidii loo heli lahaa adeeg cadaaladeed oo siman, isla markaana ay ku qancaan dhamaan bulshada Soomaaliyeed iyo bahda ciidanka qalabka sida.

Dalab ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka Guddoomiyaha maxkamadda sarre ee ciidanka qalabka sida, wuxuuna sheegay inuu  isbedelo tayeysan ku sameyn doono hanaanka cadaalada.

Si kastaba, dhawaan unbey aheyd markii xilkaan loo magacaabay guddoomiye Dalab, kaasi oo uu hore u hayn jirey Liibaan Cali Yarow.Guddoomiyaha cusub ee maxkamadda sarre oo digniin hor leh direy