Mareykanka oo dib ula baxay markabkii uu Somalia usoo diray kadib isbedel yimid

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa isbedel deg-deg ah ku sameysay go’aanka uu Markabka Mareykanka ee lagu magacaabo USS Nimitz uu kusii joogi lahaa meelo kamid ah biyaha Soomaaliya, xili uu Mareykanka uu ciidamadiisa kala baxayo dalka.

USS Nimitz ayaa waxa dib looga celinaya biyaha Soomaaliya, sida lagu sheegay amar kasoo baxay wasaaradda gaashaandhiga dowladda Mareykanka oo markii hore usoo fasaxday imaanshaha Soomaaliya.

Markabka oo ah nooca diyaaradaha qaada ayaa markii hore waxa uu qorshuhu ahaa inuu gacan weyn ka geysto howl-galka Bariga dhexe ee Mareykanka, si uu caawimaad dhanka Hawada ah u siiyo ciidamada Mareykanka ee howl-galada wada.

Amarkan cusub ayaa lagu tilmaamay inuu qeyb ka yahay oo uu ku yimid daabulitaanka Ciidamada Mareykanka iyo cabsi la xiriirta in xukuumadda Iiraan ay fuliso weerar aargoosi ah oo la xiriira dilkii uu Mareykanka u geystey hoogaamiyaheedii Qaasim Suleymaani.

Madaxweynaha kasii dagaya xilka Mareykanka, Donald Trump ayaa hore u amray in ciidamada Mareykanka ee ka jooga Soomaaliya laga soo saaro, kuwaasi oo loo daabuli doono dalalka Kenya iyo Jabuuti, oo ay ka fulin doonaan howl-galadooda qaarada Afrika.

Ciidamada laga saarayo Soomaaliya ayaa waxay kor u dhaafayaan ku dhawaan 700 Askari, kuwaasi oo badanaa dowladda iyo ciidamada Soomaaliya ka caawin jirey dagaalka ka dhanka ah argagixisada.