Wararkii ugu dambeeyey qaraxyo ka dhacay Mudug

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Mudug ayaa sheegaya in xalay saq-dhexe qaraxyo xoogan laga maqlay deegaanka Bacaadweyne ee gobolkaasi.

Qaraxyada oo ahaa labo ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu burburiyey Ceel Biyood ku yaalla halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in falkaasi ay ka dambeeyeen xubno ka tirsan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab oo la sheegay inay qaraxyo ku xireen Ceel Biyoodkaasi.

Ceel-ka la qarxiyey ayaa muhiim u ahaa qoysas badan oo ku nool deegaankaasi iyo tuulooyinka u dhow, maadaama ay yihiin xoolo dhaqato.

Bacaadweyne ayaa waxaa marar badan ka dhacay dagaallo u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab oo ku xoogan halkaasi.

Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraro gaadma ah ka fuliya koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyaga oo beegsada xarumaha ciidamada huwanta ah.