Faahfaahin: Khasaaraha ka dhashay qarax goor dhaw ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax xoog leh ayaa goor dhaw ka dhacay meel aan ka fogeyn barta-Control ee laga ilaaliyo madaxtooyada oo u dhaw taalada Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ahaa mid lagu soo qariyey jawaan wadada dhinaceeda la dhigay, waxaana fakaday qofkii goobta dhigay.

Inta la xaqiijiyey laba qof ayey dhaawacyo ka soo gaareen qaraxa, mana jirto cid ku geeriyootay, sida uu noo xaqiijiyey qof goobjooge ah.

Inta uusan qaraxaasi dhicin waxaa ciidamada ammaanka ku wargeliyey dad goobta ku sugnaa oo arkaayey markii la dhigayey, waxayna aad ugu dhawdahay goobta la dhigay kaalin shidaal oo la yiraahdo Hass.

Qaraxyada noocaan oo kale ah ayaa waayihii dambe ku soo batay magaalada Muqdisho, waxaana intooda badan lala beegsadaa mas’uuliyiinta dowladda, iyadoo khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaro dadka rayidka ah.