Wararkii ugu dambeeyey shirka DF iyo maamul Goboleedyada ee Muqdisho ka furmayo

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu dambeyntii aqbalay shardigii ay madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ku xireen furitaanka shirkii u dhaxeeyey Dowladda Dhexe iyo Labadaan Maamul Goboleed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ogolaaday inuu shir kale u qabto dhammaan madaxda Maamul Goboleedyada dalka si loo gaaro go’aan loo dhan yahay oo ku saabsan dooorashada la filayo inay Soomaaliya ka dhacdo 2020-2021.

Madaxweynaha ayaa dalabkaan ogolaaday kadib markii uu Maanta kulan hordhac ah madaxtooyada Villa Somalia kula yeeshay Axmed Madoobe iyo Saciid Deni.

Sida ay ogaatay Caasimadda Online, madaxda Maamul Goboleedyada Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa aqbalay inay kasoo qeyb galaan kulanka iyadoo la filayo in madaxweynaha uu u fidiyo casuumaad rasmi ah.

Xogta aan heleyno ayaa sheegeyso in madaxweyne Farmaajo, Deni iyo Axmed Madoobe ah isku afgarteen in qodobadii kasoo baxay Dhuusamareeb 3 ay asal u noqdaan Shirka la filayo inuu Muqdisho ka furmo.

Madaxda maamul Goboleedyada ayaa la filayaa inay dhammaantood kusoo xaadiraan Shirka, waxayna wararka qaar sheegayaan inuu shirka furmo doono Talaado ama Arbaco midkood.

Madaxtooyada ayaa dadaal kasta ku bixineyso sidii shirkaas looga soo saari lahaa qodobo wax ku ool ah oo looga gudbo xaaladda kala guurka ah, waxaana muuqato in hadda madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay kasoo xirmeen dhammaan albaabadii.

Go’aanka uu gaaray madaxweyne Farmaajo ayaa keenay in Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ay soo saarto qoraal deg deg ah oo ay kusoo dhaweeneyso in kulan wadajir ah Muqdisho loo qabto dhammaan maamul Goboleedyada si loo gaaro go’aano lagu mideysan yahay oo ku saabsan doorashada.

Safaarada ayaa sidoo kale waxay si weyn uga mahadceliyeen Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor doorkii hoggaamineed ee shirkii Dhuusamareeb 3, waxaana lagu dhiirageliyay Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada in ay dhameystiraan mabaa’diida heshiis ku saabsan is afgarad sal ballaaran leh.