27.5 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Faahfaahino kasoo baxaya qaraxy iyo hoobiye…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qaraxyo iyo duqeymo xalay ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaraxyada ayaa waxaa lagu weeraray dhowr xarumood oo looga arrimiyo Degmada Afgooye, halka hoobiyayaasha qaarkoodna ay ku dhacayeen qaar kamid ah Xaafadaha haba ugu batnaaden Xaafadda Xaawo-taako ee Degmadaasi ku taalla.

Qaraxyada iyo Hoobiyayaasha ayaa waxaa ku dhaawacmay ilaa 20 ruux oo Shacab ah, halka tirada dhimashana ay gaareyso 8 oo u badan dad shacab ah.

Ciidamada Ammaanka Degmada ayaa Saaka baaritaano ka wada Degmada Afgooye si ay u xaqiijiyaan Ammaanka Degmadaasi.

Maamulka Degmada kama aysan hadal Qaraxyada iyo Hoobiyayaasha, waxaana saakay halkaasi ka socda baaritaan guri guri ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News