Faah faahin kasoo baxaysa qaraxii MUQDISHO.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Saddex ruux oo shacab ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen Qarax miino oo saaka ka dhacay wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho, gaar ahaan halka loo yaqaan Xero Jarmal.

Qaraxan oo ahaa miino wadada dhinaceeda lagu aasay, ayaa lala damacsanaa gaari ay isticmaalaan ciidamada taraafikada oo subax waliba la soo dhigi jiray maqaayad ku dhaw goobta qaraxa uu ka dhacay.

Gaariga ciidanka taraafikada ay wateen ee Maqaayada hor yaallay wax Khasaaro ah ma soo gaarin, laakiin saddex ruux ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen oo shacab ah, kuwaasi oo maraayay meel ku dhaw goobta qaraxa uu ka dhacay.

Dadka goobjoogayaasha ah waxa ay sheegayaan saddexda ruux ee dhaawacantay mid ka mid ah dhaawiciisa inuu aad u darnaa.

Ciidamada Dowladda ee ku sugan Isgoyska Ifka Xalane, ayaa soo gaaray goobta qaraxa uu ka dhacay, waxaana ay xireen wadada, balse lama sheegin cid ay soo qabteen ciidanka.

Inta badan Qaraxyada Miinooyinka ee wadada dhinaceeda lagu aaso ayaa waxa lala eegtaa ciidamada, balse bulshada dhibaato ayaa ka soo gaara qaraxyadaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com