Quraacdu waa aniga, qadadu waa adiga, qaxarku waa shacabka), Kharashku waa kii qorshaysnaa..

Somalia haatan wuxuu dagaal lagu sheegay mid siyaasadeed, balse aan anigu u arko dano la qabyaaladeeyay oo uu siyaasi ku sheeg ku shaah cabo ka holcayaa muddo 30 sano ka badan.

Yeelkeede, nasiib darrada jirtaa waxay tahay inaan mudaddaa oo aan waxba wanaag ah lagusoo kordhiyin dagaalladaas, aan xitaa insaanku khaladkiisa ayuu wax ka bartaaye (trial and error) aan middaas xitaa ka il duufnay.

Waxaan is lahaa kadib kumannaan dagaal oo Somalia ka dhacay oo aan kurbo mooyee ka roon lagu gaarin, dadku markan waxay kabaha ka daba gashan doonaan hogaamiyayaasha heehaabka u horseeday, balse aan lahayn tayo hogaamineed iyo mid qofeed toona. Bal eeg sida ay dalkii ka dhigeen iyo sida liidada ee ay umad soo daashay iskugu dilayaan!

Nasiib xumo, waxaan ku khiyaali baxay dagaalkii ugu dambeeyay ee Gaalkacyo ka dhacay, oo aan is leeyahay sinnaba looguma baahnayn, balse laba ayaa isu kay qaban wayday.

Sida fudud ee dagaalka lagu oogay oo aan eedeeda shacabka u saarinayo iyo sida sahalka ah ee la isula qoslay markii dambe.

In jid la dhisayo ay tahay waxa la isku dilay, weliba meel la iigu sheegay 30 mitir marka la eego inta la isku qabtay, la is dilay marka aan leeyahay yaysan kaa hoos bixin, madaxdu isma disho, mana isku xad gudubto ee waa dadka u tabcan iyaga ee aan fikir iyo fahmo toona u lahayn wixii u fiican.

Labada hogaamiye oo hal degmo inay isku dhaqaan ay kala toosnaatay in madaafiic lala dhoco ayaa maalintii 2-aad shir u fariistay oo way isla qosleen, maalintii xigtayna dadkii ay kala maamulayeen ayaa is laayay! Yaah! Oo sabab?

Maalintii la is laayay ee 3-aad, iyadoo ay magaaladu oloshay ayay misna gaari ku kulmeen misna way isla qosleen! Oo yaa lagu qoslay? Yaa qaxay? Yaa qaxar mutay? Yaa ubadkii laga qalay? Dabcan waa shacabka labada dhinac deggan oo qaar badan oo ka tirsani ay sabab la’aan iskaga qiiroodaan marka ay maqlaan nimankan oo hadlay. Oo hadaadba kulmi kartaan maxaad umadda dagaalka u geliseen maxaad horayba ugu kulmi waydeen? Tan kale in markii wax aan micne lahayn  la isku laayo la yiraahdo: ”Xalay dhalay aan ka noqonno” soow kama fiicna in laga hortago wixii caallir dagaal iyo colaad sokeeye curin kara?

Maalintii xigtay ayay misna kulmeen, kadibna way isla qosleen! Markan waxay guddoonsadeen inay dadka tusaan sida fudud ee ay marna dagaal ugu baaqi karaan, marna dadkii ay dagaalka geliyeen oo weli xuurtaysan ay iyagu xal u gaari karaan waxaana lagu ballamay sidatan:

QURAACDU WAA ANIGA, QADADU WAA ADIGA, QAXARKU WAA IYAGA (SHACABKA), KHARASHKU WAA KII QORSHAYSNAAYEE HEEE AHAAA (yacni wax lagu sheego Beesha Caalamka ayaa bixinaya mashruuc la magac baxay DABA DHEERAYNTA COLAADDA DAL aan lakala xigin oo ah Somalia).

Weliba waa ogyihiin oo Gaas wuxuu yiri: ”Dadkii waxay leeyihiin nimankii waa kuwa isla qoslaya ee maxay dadka u laynayeen?”

Hadaba intii af ku dagaallantay iyo intii addin ku dagaallantay iyagu hees noocee ah ayay maanta qaadayaan?

FG: In la heshiiyo ma xuma oo waan ku bogaadinayaa inay tillaabadaas qaadeen, weliba waxaa in aad loo amaano mudan inay iyagu howlohooda dhamaystaan iyagoon Adis iyo Nairobi tegin, lkn waxaan ka xumahay sida fudud ee laga fursan karay ee dagaal bilaa micne ah markii horaba looga oogay Gaalkacyo.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji Xuseen Raage

Farriin-Danabeed: Maxaaji@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com