Muqdisho: Ciidan ka gadooday DF oo qabsaday..

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Jazeera ee dulleedka magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in ciidamada Militeriga Dowlada ee xeradaasi ku jiray ay gabi ahaan banaanka uga soo baxeen xerada.

Ciidamadaani ayaa la soo sheegayaa inay lasoo baxeen gaadiidka iyo qoryihii ay ku hubeysnaayen waxa ayna jareen wadada isku xirta Muqdisho iyo Deegaanka Jasiira.

Ciidamadaani ayaa waxa uu tababar uga socday xerada waxaana lagu sheegay sababta ay wadadaasi u jareen gadood ay ka sameeyen wasaarada gaashandhiga DFS.

Ciidamada ayaa wadada ku jaray dhagxaan aad u waaweyn, geedo la jaray iyo gaadiid kadib markii ay sheegen in DFS ay ku caburisay xerada iyada oo aan siinin wax xuquuq ah.

Waxa ay mamnuuceen gabi ahaan gadiidka wadadaasi mara ee u kala goosha Muqdisho iyo Afgooye, waxa ayna sidoo kale rasaas ooda uga qaadayeen gaadiidka ka madax-adeega dib uga laabashada wadadaasi.

Ciidamadaani ayaa ka gadoodsan Xuquuq la’aan iyo Gunno la’aan ay sheegeen in ay daashatay ,xilli muddo bilo ah ay ku jireen tababar Ciidan.

DFS ayaa lagu eedeeya inay askareyso Carruur aad uga yar 20-sano kuwaasi oo aan lasiin xuquuqdii ay ku lahaayen DF, waxaana taasi u dheer Cuno xumi ku heysata xerooyinka ay ku qaatan tababarada ciidan.

Dhanka kale, Saraakiisha laamaha amaanka ayaa wali ka hadlin jarista wadada isku xirta Muqdisho iyo Jazeera.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com