25 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Qarax lala eegtay saraakiil sare oo AMISOM ah !!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo deegaanka Bali-doogle ee Gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in Qaraxyo xoogan halkaasi lagula eegtay Ciidamo ka tirsanaa AMISOM.

Ciidamadaani ayaa la socday gaadiidka gaashaman waxaana lasoo sheegayaa in Qaraxyadu ay ahaayen kuwo wadooyinka loogu diyaariyay.

Inta la ogyahay Qaraxyada ayaa waxaa ku dhintay labo kamid ah Ciidamada AMISOM halka Seddex kalane uu kasoo gaaray dhaawac.

Qaraxa kadib ayaa waxa ay Ciidamadu fureen rasaas xoogan xili agagaarka goobahaasi ay ku sugnaayen dad shacab ah.

Ciidamadaani ayaa kusoo wajahnaa magaalada Muqdisho, hayeeshee waxa ay wadada kula kulmeen Qaraxyo sababay dhaawaca iyo dhimashada Ciidamada.

Qaraxaani ma aha kii ugu horeeyay ee deegaanka Bali-doogle lagula eegto Ciidamo ka tirsan AMISOM.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News