29.9 C
Mogadishu
Sunday, February 15, 2026

Xog cusub oo kasoo baxaysa weerarkii ismiidaaminta ee lagu qaaday baarka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheerad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Weerar Ismiidaamin ahaa oo lagu qaaday Baar ku yaala Magaalada Baydhabo.

Inta la xaqiijiyay Qaraxa ayaa waxaa ku geeriyooday dad tiro ahaan lagu sheegay 10-ruux, halka dhaawacana uu gaarayo 30 qof oo shacab u badnaa.

Qaraxyadani oo ahaa kuwa naftii halignimo ah ayaa la sheegay qaraxa hore in uu fuliyay dhagar qabe naftiisa ku halaagay goobtaasi kaddib markii uu shaah dalbaday isagoo dadka ku dhex jira, iyadoo qaraxa labaad oo loo adeegsaday gaari waxyaaba qarxa laga soo buuxiyay isla goobtaasi uu ka dhacay qaraxa xili lagu guda jiray daad gureynta dadka ku waxyeeloobay falkaasi cadowtooyada ah.

Qaraxa kadib ayaa waxaa goobta gaaray gaadiidka gurmadka, waxaana dadkii Qaraxyadaasi ku waxyeeloobay loo daad gureeyay isbitaalka weyn ee magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Dhanka kale, waxaa ilaa iyo hadda Baarka uu Qaraxa ka dhacay ku sugan Ciidamo isku dhaf ah oo u badan kuwa DF Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News