Faahfaahinta dagaalka xerada Jeneral Gordan iyo ciidamo jabsan rabay bakhaarada hubka oo…

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa xoogaa qaboobay dagaalkii ka socday xeradii ay Imaaraadka ku tababari jireen ciidamada ee loo yaqaan General Goordon.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa weerar culus ku qaaday Xeradaas oo lasoo sheegay inay ciidamo ka tirsan kuwii Imaaraadka ay tababreen ay jabsan rabeen Bakhaarada Hubka lagu keydiyo ee xeradaas ku taal.

Ciidamada  Xarunta weeraray ayaa lasoo sheegayaai nuu hoggaaminayey abaanduulaha ciidamada Xoogga dalka Gen. Caanood, waxaana halkaas ka dhacay dagaal aad u culus.

Ciidamada UAE tababaru ayaa damcay in ay ka baxsadaan xerada balse ciidamada xoogga ayaa gabi ahaanba la wareegay xerada.

Dagaal socday muddo saacad ku dhow kadib ayey ciidamadii uu hoggaaminayey Gen. Caanood waxay la wareegeen Xaruntii waxaana la arkayey ciidamadii hore ugu sugnaa xeradaas oo firxadkooda gaaray meelo ka baxsan xaruntaas.

Saraakiisha Ciidamada amniga ayaa KNN u sheegay dagaal waqti kooban socday uu ka dhacay Aagga xerada kaas oo ka dhashay kadib markii Ciidamo ay tababartay Dowladda Imaaraadka Carabta ay isku dayeen in ay jabsadaan Bakhaar hub ka buuxay kadibna ay ka hor tageen Ciidamo kale

Si rasmi ah looma oga inta uu la egyahay Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee dagaalka ka dhashay balse xaaladda ayaa hadda degan waxaana goobta ku sugan Ciidamada Dowladda.

Wararka qaar ayaa sheegaya in la qabtay dhamaan Ciidmadii isku dayay in ay Bakhaarka Jabsadaan iyo saraakiishii la socotay.

Dagaalkaan ayaa saameyn xoog leh ku yeeshay isku socodka gaadiidka iyo ganacsigii ka jiray isgoyska Tarabuunka, waxaana lasoo sheegayaa inuu ka dhashay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jiro.

Dagaalka ayaa hadda u muuqdo inuu istaagay, inkastoo mararka qaar la maqlayo rasaas goos goos ah oo la is waydaarsanayo.

Ciidamadii xarunta ku sugnaa ayaa darbiyada ka booday  iyadoo qaar kalana la qabtay, wixii kusoo kordhana waan idinla wadaagi doonaa Inshaa Allah.