Dagaal xooggan oo ka socdo xeradii ay Imaaraadka ciidamada ku tababari jireen

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inuu halkaas ka socdo dagaal aad u culus.

Dagaalkaan ayaa wuxuu ka socdaa Xeradii ay dowladda Imaaraadka ku tababari jirtay ciidamada taasoo ay dhawaan faarujisay.

Dagaalka ayaa ah mid aad u xoggaan isla markaasna la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Warar aan la hubin ayaa sheegayo inay xerada soo weeraraan ciidamo ka tirsan kuwa Militariga.

Dhawaqa rasaasta ayaa laga maqlayaa inta badan Magaalada Muqdisho, waxaana la isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan.

Xeradaan ayaa ku taal meel aan sidaas uga fogeyn isgoyska Tarabuunka waana meel aad u saxmad badan.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa.