Faa’iido mise khasaaro: Muxuu Deni kasoo hooyay doorashadii madaxweynaha?

Muqdisho (Caasimada Online) – Saciid Cabdullaahi Deni ayaa kaalinta sadexaad ka galay doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee bartamaha bishaan ka dhacday magaalada Muqdisho.

Wuxuu ku jiray dadkii loo saadaalinayey xukunka dalka, laakiin xisaabtii uu isticmaalay iyo middii Xamar taalay ayaa aad u kala duwanaa.

Deni wuxuu heystay qiyaas marna sax aheyd marna khaldaneyd. Wuxuu fahamsanaa in isaga iyo Farmaajo wareegga koowaad hoggaamin doonaan kadibna labada ku xigta ay tanaasuli doonaan markaas kadibna codadka mucaaradka oo dhan ay isaga usoo wareegi doonaan.

Xisaabta Saciid Deni marka doorashooyikii hore la waafajiyo waa saxneyd, laakiin wuxuusan akhrin in Midowga Musharixiinta mucaaradka ku heshiiyeen in midkooda ugu codadka bata inay xoojiyaan, isaga kama tirsaneyn Midowga Mucaaradka ee fadhigoodu ahaa magaalada Muqdisho.

Natiijada Saciid Deni waxaa laga fahmay inuusan wax olole ah ka dhex sameyn maamulada Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo xubnaha Reer Woqooyiga.

Codadka uu heystay waxay ahaayeen kuwii Puntland iyo Jubbaland oo qaar ay baxsadeen. Deni wuxuu u muuqdaa nin gaaray qaar kamid ah waxyaabihii hadafka u ahaa ololihiisa qaarna gaari waayey.

Saciid Deni wuxuu bixiyey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, horey wuxuu u sheegay inuu garabsan doono cid walba oo rabta in nidaamka Farmaajo la bixiyo.

Saciid Deni inkastoo uu xukunka qaadan waayey haddana wuxuu abuuray fursad reerkooda ah oo la xiriirta doorashada 2026. Haddii uu Farmaajo xafiiska kusoo noqon lahaa waxaa hoos u dhici laheyd fursadda beesha ay labadooda kasoo wada jeedaan ee doorashada dambe.

Deni hadda wuxuu ka tagay iyadoo ay reerku fursad u heysstaan doorashada xigta ee madaxweynaha Soomaaliya .

Dhinaca kursiga Ra’iisul Wasaaraha

Tani waa fursad ay weli su’aal saaran tahay. Waxaa la warinayaa in Saciid Deni uu jeclaan lahaa inuu Ra’iisul Wasaare noqdo, waa rabid uusan qofna dafiri karin.

Lama hubo in Xasan Sheekh Maxamuud uu aqbali karo inuu Saciid Deni u dooqdo kursiga Ra’iisul Wasaaraha, laakiin xataa haddii Deni aan la siin kursigaas wuxuu talo xooggan ku yeelan doonaa qofka imaanaya taasoo dhiseysa xukuumad uu shirkad weyn ku yahay.

Inuu ra’iisul wasaare helo waxay kusii heyn kartaa fooqa sare iyo inuu damiciisa madaxweynaha Soomaaliya cusbooneysiiyo, laakiin illaa iyo hadda ma cadda cidda kusoo bixi doonta kursiga ra’iisul waasaraha Soomaaliya.

Saciid Deni waxaa loo arkaa mid kamid ah labada qof ee qarashka ugu badan ku bixiyey doorashadii dhammaatay ee Soomaaliya. Inay xukunka u iibin weyso ma ahan culeys yar.

Saciid Deni isagoo guul iyo guuldaraba xambaarsan ayuu ku laabanayaa Puntland haddii uu waayo xilka ra’iisul wasaaraha halkaas oo uusan malaha ka heli karin miisaan u dhigma midkii hore.

Khilaafka isaga iyo Karaash lama yaqaano sida uu ku dhammaan karo, shacabka reer Puntland aad uguma riyaaqin sida ay wareysiyo kala duwan ku bixiyeen inuu Saciid Deni door xooggan ka qaatay in Farmaajo la dibriyo taasoo hoos usii jiidi karta shacbiyadiisa sida ay falanqeeyaasha qabaan.