Muqdisho (Caasimada online) 22 sano ka hor ayay jabhado qori la ordaya weerar ku qaadeen xarunta aqalka Madaxtooyada oo qiyaastii 1km oo dhinaca waqooyi ah uga beegan xarunta idaacadda Kulmiye Mgaalada Muqdisho.
Mashaqada ka dhalatay gadoodkii ay sameeyeen jabshadahaasi waa hal qabsiga qof kasta oo doonaya inuu wax u sheego dadkaan u heelan inay is faquuqaan meeshii ay Aayahooda ka tashan lahaayeen.
Shalay waxay Shabakada wararka Kulmiye baahisay war tilmaamaya in wiil Soomaaliyeed laga soo tarxiilay dalka Koofur Afrika halka 7 kalana ay ku jiran Xabsiga ujeedada loo xirayna ay tahay in dalkooda Hooyo loo soo celiyo.
Dowlada Koofur Afrika ayaa la sheegay inay sharciga u diiday dhalinyaradaas go’aana ay ku gaartay inaysan dalkeeda sii joogin maadaama ay yihiin looma ooyaan la sii diiday warqadaha qaxootiga ee u saamixi lahaa sii joogista gudaha dalka Koofur afrika.
Warkaas wuxuu dhaliyay muran xoogan taana micnaheedu ma aha inuu ahaa mid khaldan laakiin dhageystayaasha idaacadda iyo qaar ka mida bahda Kulmiye ayaa la yaabay sababta ay dowlada Koofur afrika uga dhaqaaday arintaas.
Qaar baa madaxa gacanta saartay oo yiri Koofur afrika waxay caruurteena dishaba hadda way soo tarxiileysaa ?
Anigu lama laaybin sheekadaas waayoo waxaan hayay xog ka badan mida la isku tuurtuurayo.
Dalka Koofur afrika waxaan tagay afar sano ka hor xiligaas oo Muqdisho ay dagaalo xoogan ka socdeen nabad maanta la wada hestana aysan jirin.
Waxaan ahayn 4o qof oo Soomaaliyeed habeenka aan xadka dalkaas ka talaabeynay.
Xarun ka tirsan waaxda socdaalka K/Afrika oo ku taala xadka ay wadaagaan dalalka Zimbaabwi iyo South afrika ayaa nala ka siiyay warqad na fareysa in 14 gudaheed aan ku qaadano sharciga qaxootiga ee dalkaas.
Magaalada Joohaanisbeeg oo ka fog xadka dalkaas ayaan u jaheysanay ayadoo qosolka naga baxaya aawadeed nala moodayo dad il muuqati u jira Dahab iyo luul aan la isku haysan oo farqaha laga buuxsan karo.
Sarkaal Boolis ah oo taagnaa goob u dhaw busteejada laga raaco gawaarida aada Joohaanisbeeg ayaa noo yeeray kaas oo nagu yiri maanta ayaa baahi idin kuugu danbeysa.
Dadkii ila socday way qosleen lkn anigu waan xanaaqay waayo raashin la cuno meynaan weydiisan.
Muhimada aan idinkuugu sheegana waxay tahay in dad South afrikaanka ahi ay aaminsan yihiin in Soomaalidu ay yihiin dad faqri wada ah oo baahidu ay u soo daweysay karfantii lagu aasi lahaa.
Gaari Bus ah ayaana naga qaaday xadka kaas oo na geeyay xaafada ay Soomaalidu ku badan tahay ee Mayfar oo Johaanisbeeg ka tirsan,Halkaas ayaa lgu kala tagay xataa qaarkeen way hilmaameen ismacsalaameynta ay isku lahaayeen dadka isla soo qariibay.
Dalka Koofur afrika wuxuu ka kooban yahay 9 gobol oo qaar ka mida dadka aadaya laga codasado inay dardaarmaan.
Malakamoodku ma dagana gobolada la iskaga digayo hasa ahaatee waxaan ku weynay gacal badan oo wax soo kordhi is dhahayay
Gobolada Eastren Capen iyo westrn cape ayaa aad loo shareestaa walow naari aysan meel qabow lahayn.
Wiil aan saaxiiba ahayn oo aan u sheegay inaan aado magaalada PE oo ka tirsan gobolka Eastren cape ee Soomaalida lagu laayo ayaa naxdin la dhacay asigoo balanqaaday inuu iga warqabi doono.
Saaxiibadii igu soo daweeyay halkaas qaarkood ifka ayay ka tageen kuwa kalana waxaa soo gaaray dhaawacyo ha tarmina iyo taagtaagsada ku yiri.
Laba ka mid ah Shan dukaan oo aan ku sugnaa mudadaii ku dhaweyd afarta sano ee aan dalkaas joogay ayaa la nalaku gubay .
Weeraro ka badan 50 jeer oo nala ku soo qaaday ayaa lagu dilay rag aynu dalkaas isku baranay oo xabadaha cadawgu haleeleen walow shaqsi ahaan aysan dhibaato i soon gaarin.
Inkastoo Saxaafadda Soomaaliya ay qatar badan tahay oo lagu tilmaami karo qalinka dhiig leh haddana markii aan soo laabanayay waxaan niyada ku hayay inaan diirada Saaro dhibaatooyinka lagu hayo walaalaheena Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Koofur afrika.
Ayadoo shabakada Kulmiye ay balanqaadeyso xog dheeri ah oo ku aadan sheekooyinka qaracanka leh ee aan idiin dul maray ayaan dadka aan u soo joogin mashaqada Koofur Afrika islamarkaana la yaabay tarxiilka lagu sameynayo dhalinta Soomaaliyeed ee dalkaas u haajiray weydiinayaa su’aal ah Naxariis miyaa taal Naar ka boodka Afrika ?
Qoraalka Faaladan waxay u gaar tahay qoraha oo kaliya , waana mid ay ka madax Banaantahay Caasimada online
W/Diyaariyey:C/risaaq Cumar Axmed (Siiriya)
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho

