Taleex (Caasimada online) Madaxweyne Ku xigeenka Maamulka Puntland C/samad cali Shire oo Maanta shir Jaraa’id ku qabtay degmada Taleex ee gobolk Sool ayaa ka hadlay Arimo babadan oo kala duwan.
Ugu horeyn wuxuu ka hadlay Arimo ay ka mid yihiin Socdaalkiisa degmada Taleex, warar kasoo baxay qaar ka mid ah Musharixiinta Madaxtinimo ee maamulka Puntland iyo Shir ka dhacay Degmada taleex.
Wuxuu si caro leh uga hadlay Warar kasoo baxayay qaar ka mid ah musharixiinta u taagan qabashada Xilka Madaxtinimo ee Maamulka Puntland oo ku aadan inuu C/samad Cali Shire Fidno ka dhex wado dadka dega gobolka Sool Gaar ahaan Degmada Taleex.
C/samad Cali Shire, ayaa Hadalkaaas ku tilmaamay mid laga Xumaado , waxaana Musharixiinta uu ka dalbaday inay dib u eegaan Dastuurka Puntland , waxaana uu ka dalbaday inay hadalkaas ka laabtaan”
“Musharixiintu Dib ha ugu laabtaan Dastuurka Puntland u yaala , waana inay ka towbad keenaan hadalada Keeni kara qaran dumiska oo ay ku dhawaaqeen, waana uga digeynaa hadaladaas oo kale ” ayuu yiri C/samad Cali Shire
Dhinaca kale madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa sidoo kale si wada jira uga hadlay musharixiin war saxaafadeed kasoo saaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug iyo sidoo shir lagu baaqay in uu ka dhaco gudaha degmadani Taleex.
Wuxuu sheegay in xukuumada Puntland ee xiligani ay soo dhoweynayso cid walba oo u taagan xilka madaxtinimo ee Puntland ayna si wacan u dhici doonto doorashada Puntland ee fooda inagu soo haysa isla mar ahaan taana wax shir ah uu san ka dhici doonin gudaha degmadani Taleex.
Si kasto Khaatumo State ayaa dhowaan ka dhawaajisay in Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/samad Cali Shire uu fara galin qaawan ku hayo Maamulkooda .
Caasimada online
Xafiiska Taleex

