Dhageyso: Madaxweyne FAROOLE oo kala diray Baarlamaankii PUNTLAND

Garoowe (Caasimada online) Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole, ayaa Maanta si rasmi ah u kala diray Baarlamaanka Maamulkaasi kadib kulan ka dhacay Xarunta Baarlamaanka ee Magaalada Garoowe.

Baarlamaanka Puntland ayaa Maanta la isgu yeeray Waxaana loo sheegay in Maanta ay aheyd waqtigii ugu dambeysa ee Shaqadooda Xubin Baarlamaanimo ee Puntland.

Faroole ayaa Ka dhawaajiyay in Sida Tastuurka Maamulkaasi ku qoran ay tahay in 31-102013 la kala diro Baarlamaanka Maamulka Puntland si loosoo Magaccaabo Baarlamaanka Cusub ee maamulkaas.

Axmed Ceydiid oo kamid ah xafiiska Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa Saxaafada u aqriyay Warqada Ruqsada Mudanayaasha Baarlamaanka Puntland, taas oo sida la sheegey aheyd mid Dastuuri ah .

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland ee Waqtigiisa uu dhamaaday ayaa sheegay in Marba hadii Baarlamaanka la kala diray loo baahan yahay in Maamulka Puntland uu xushmad iyo Tixgalin gaar aha Siiyo Baarlamaankii mudada la soo shaqeeyay.

Dhowaan ayaa la filayaa in lasoo Xulo Xubno Baarlamaan Cusub ah oo ka mid noqday Maamulka Puntland iyadoona Doorashada Maamulkaasina ay soo dhowdahay.

Halkaan ka dhageyso Baarlamaanka Puntland oo lakala diray

Shiine Cabdi Axmed

Caasimada online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com