Faallada Yuusuf Garaad: Hague fari kama Qodna (Xagee la kala marayaa?)

Waxaa shalay soo geba geboobay wareegga Koowaad ee Dhegeysiga doodda ay Kenya dooneyso in ay isku hortaagto furitaanka dacwadda soohdinta Badweynta India ee u dhexeeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Laba maalmood ayay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaddu maalinna dhegeysatay waxa ay Kenya ku saleyneyso diidmadeeda, maalinta labaadna ay dhegeysatay Soomaaliya oo sheegeysa waxa ay ku riddineyso diidmada.

Dib haddii aan kuu celiyo, Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa Dowladda ugu sarreeya isaga ayaana si shakhsi ah ugu howlan ka miro dhalinta dacwaddan. Madaxweynaha oo la kaashanaya laamaha Dowladda ee ay sida gaarka ah u khuseyso sida Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Xeer Ilaalinta Qaranka ayaa kiiska u xil saaray Qareenno leh aqoon iyo khibrad caalami ah oo aad u sarreysa, dacwadaha ay hore ugu soo guuleysteenna ay ka markhaati kacayaan waxa ay karaan. Wuxuu Madaxweynuhu ku soo daray wafdi ay ka mid yihiin wakiillo bulshada matalaya si ay goobjoog iyo markhaatiba uga ahaadaan howsha socota bulshadana ay ula wadaagaan.

Dhabbe aan Ceel tegeyn

Kenya waa dal aan deris nahay oo ay dano badani naga dhexeeyaan, weligeenna aan is ag oolli doonno. Laakiin si ay kiiska ugu guuleysato Qareennadeedu waxaa ay soo jeedinayeen eedeymo iyo fasiraado iyo xataa xagxagasho aan qareennadeennu la qabin una arag sida ay ayagu u fasiranayaan rabaanna in lala qaato.

Waxaa lagu kala aragti duwan yahay Is-Afgaradkii 2009 macnihiisa iyo ujeeddadiisa waxa ay ahaayeen ama ay hadda yihiin. Waxaa la isku diiddan yahay in labada dhinac ay is arkeen oo la wadahadlay iyo in kale. Waxaan la isla oggoleyn ujeeddada dacwaddan laga leeyahay. Waxa dhinac kastaa uu tuhun gelinayaa daacadnimada dhanka kale, Xataa waxaa lagu kala aragti duwan yahay awoodda Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda oo fadhigeedu yahay Hague, Netherlands. Dabcan labada kooxood mid ayaa geel ku dheelminaysa dhabba aan ceel tegeyn.

Waxaan ku kalsoon ahay in kiiskeennu uu xooggan yahay, xaqna aan ku taagan nahay. Waxaan ku kalsoon ahay Qareennada na matalaya aqoontooda iyo khibraddooda. Waxaan aamminsan ahay in aan ku joogno waddada ceelka tegeysa. Allow run ka yeel.

Taageerada Shacabka

Sida ay farriimuhu nagu soo gaarayaan, sida aan ka aragno dadweynaha Soomaaliyeed ee Maxkamadda yimid ee u badan Soomaalida Netherlands oo ay wehliyaan qaar ka yimid dalal kale oo Yurub ah iyo sida aan saxaafadda ka barannay dadweynaha Soomaaliyeed waxay muujiyeen taageero. Waxay taageerada la ay garab taagan yihiin Qareennada Dowladda Soomaaliya ay u xilsaartay in ay daafacaan xuquuqda ummadda Soomaaliyeed.

Waxaa maalin kasta marar aad u fara badan aan la qushuucaa farriimaha qoraalka ah ee dunida dacalladeeda iiga soo dhacaya ee la igu dhiirri gelinayo, lagu dhiirri gelinayo ergada Soomaalida, loogu duceynayo Soomaali ee iiga soo dhacayo, ma ahan saaxiibbo keliya ee iiga soo dhacaya Soomaali aynaan shakhsiyan isu aqoon. Farriimahaas qaarkood oo ay dad waddaniyiin ahi ii soo direen waa kuwo taabanaya damiirka iyo shucuurta Soomaaliga. Waa dhiiri gelin wax loo dhigo aan la arag. Aad ayaan uga mahadcelinayaa. Waxaan leeyahay ducada Allah ha noo wada aqbalo.

Taageerada shacabka waxay dhiirri-gelin u tahay Qareennada Soomaaliya iyo madaxda dowladda. Waxay taageeradu shinsi u tahay shacabka laftiisa oo ka dhex arkaya Soomaalinnimo.

Si aanay u kala dhantaalmin taageeradaas muhiimka ahi, waxaa ila habboon in laga fiirsado qofeynta kiiska.  In laga dhowrsado far-ku-fiiqa siyaayiin ay ka mid yihiin Madaxda dalka hadda ugu sarreysa iyo qaar hore u ahaa Madax Sare. Ma ahan in aan Maxkamadi ku caddeyn keliya, laakiin waxaa jirta in siyaasi kastaa uu lahaan karo taageerayaal ay qaarkood gar iyo gardarraba ku garab taagan yihiin.

Dhanka kale, Siyaasiyiintaas waxaa eedeynta loo jeedinayo loo cuskanayaa oo keliya fasiraadda Qareennada Kenya. Ma habboona in aan qaadanno fasiraaddaas marka aan maqleyno fasiraad taas ku lid ah oo ay jeediyeen Qareennada Soomaaliya.

Aan is xusuusinno in xaqeennu weli naga maqan yahay oo aan laga miradhalin dacwadda. Aan is xusuusinno in xataa weli aan lagu guuleysan in kiiska la furo. Ma joogno xilli lagu mashquulo is-eedeyn iyo is-difaac Soomaalida dhexdeeda ah. Soomaali kasta waa loo baahan yahay taageeradiisa soo dhicinta xuquuqdeenna.

Marka aan arkay qaabka ay dacwaddu u dhaceyso, dadka arrintan lugta ku lahaa ama ku lahaan kara, waxa habboon in ay dacwadda wakhti siiyaan oo ay saxaafadda ka gaabsadaan.

Galabta 16:30 saacadda Hague ayaa la isugu soo laabanayaa Maxkamadda. Waxaa furmaya wareegga labaad ee dhegeysiga diidmada hordhaca ah ee Kenya. Hadalka waxaa galabta leh Qareennada Kenya. Berri waa la nasan doonaa. Soomaaliya waxay jawaabeysaa Jimce subax.

W/Q: Yuusuf Garaad Cumar