FAALLO: Casriyeynta DIINTA hummaag lagu hungoobey! (W/Q Sheekh Fu’aad)

By Asad Cabdullahi Mataan

Qeybtii 1-aad

Habowga iyo ka hadfidda hilinka toosani waa wax la fil ah jiritaanka aadanaha, xilliyada iyo duruufuhu waxay mar mar abuuraan aragtiyo aan sal adag ku qotomin  laakiin sidii dhalanteed ay dad badani moodaan goob roob mahiigaan ahi maaruqay oo meel walba biyo ka muuqdaan, dhab ahaanse meesha waxaa ka muuqda wirwir  ee wax muuq biyood ahi meesha kama dhowa.

Hummaagga casriyeynta diintu waa mid soo maray welina ka jira dunida aynu ku noolnahay, ragga horfiiqda u ahaa aragtidaan waxay ka dhex abuurmeen jab iyo haantaa wilif ku dhacay dunida Islaamka, qaarkood waxay ka ahayd niyad wanaag, waxay dhex muquurteen arrimo ka mid ah sooyaalkii ummadda muslinka ah, waxay aad u ceebeeyeen dadkii muslinka ahaa, waxay ku sheegeen in ay yihiin kuwo aan caqligoodu taran lahayn ee arki jire doon ah, waxay la noqotay in sooyaalka ummaddu aanu la jaan qaadi Karin casriga.

Raggaanu waxay aad u cuskadeen caqliga, waxay wax walba halbeeg uga dhigeen caqligooda, illaa ay kitaabka iyo sunnada ka hormariyeen, waxay u weel qaadeen sidii shareecada loo casriyeyn lahaa, sidii ay kuwii reer galbeedkuba yeeleen ayaga hortood, raggaas afka carbeed waxaa loogu yeeraa (Casraaniyiin) oo ah casriyeeyeyaal, haddaba bal aan qeexno eraygaan.

Casriyeyn (Alcasraaniyah): (waa dhaqdhaqaaq isu taagay dib u cusbboonaysiinta diimaha waaweyn oo dhan sida Kiristanka, Yuhuudda iyo Islaamkaba)[1], waana waxa afka qalaad lagu yiraahdo (Modernism).

Erayga Casriyeyn looma wado in lagu abtirsado casriga ee waa eray bixin gaar ahaaneed sidaa darteed ayaa lagu qeexaa eraygaan in uu yahay sidaan soo socota.

Alcasraaniyah (Modernism): (Casriyeynta diintu  waa aragti diimeed ku qotonta rumaysnaan la rumaysanyahay in horumarka cilmiga iyo dhaqanka casriga ahi ay khasbayaan in dib loo fasiro aqoonta diinta ee aan sidii hore loo dayn, ayada oo laga dab qaadanayo falsafadda cilmiga ah ee xilligaas hormuudka ah)[2], qoladaani waxay u suxulduubeen in diinta la ogolaysiiyo ilbaxnimada reer galbeedka iyo aragtidooda, taas oo ah mid ku barbaartay namasta dhaqankii giriigga, sidaa darteed waa in diinta loo faruuryo xiraa ilbaxnimada reer galbeedka waana in nolosha lagu jaangooyaa iyada.[3]

Qoladaan casriyeyntu ma leh hayb diineed, waxay horay uga soo dhex samaysmeen diimaha kiristanka iyo yuhuuddaba, inksta oo labadaan diimood ay yihiin kuwo aadane ku falaaday oo laga dhalan rogay sidii Alle u soorogay haddana raggii hoggaanka ka ahaa diimahaan aad ayey uga cawdeen qoladaan.

Biyuuskii 10aad Pope Pius X ayaa yiri: (haddii qof isku dayo in uu shar oo dhan kulansado si uu iimaanka u dhaawaco marna ma gaari karo xagga xumaanta meesha ay Casraaniyiintu gaareen)[4]

Waxaan marna is qabanayn in qofku yiraahdo waxaan ahay muslin misana waxaan diinta u sandullaynayaa garaadkayga ama garaadka rag kale, waxaan diinta u fasirayaa sida casrigu rabo ama la jaan qaadi karta dhaqanka reer galbeedka, oo waliba ku andacoodo waxaan uga dayanayaa taas sidii nimankii reer yurub ee diinlaaweyaasha ahaa uga horyimaadeen kaniisadihii ay hoggaaminayeen baabayaasha baadiyeysan!, waa yaabe  soo diinta Islaamku ma aha diin xaq ah?, soo diinta Islaamku ma tirtirin xaqnimada diimaha kale?, dhanka kale miyaan diinta yuhuudda iyo tan kiristankaba aadane ku falaadin oo hadba wax ka beddelin?, miyaanay ahayn diimo la nasakhay?, haddii jawaabtu haa tahay soo qofka leh sidii diinlaawayaashii yurub kaniisadaha ula dirireen ayaan anana ula diriraynaa Culimada, Fiqhiga  iyo diintaba ma aha qof habowsan oo hummaag beenihi u muuqdo!, maxaa yeelay wuxuu is feer dhigayaa xaq iyo xaq darro, wuxuu isu ekaysiinayaa Malab iyo Dacar!.

Haddii aan damacno in aan u abtirinno Casraaniyiinta cusub ee muslinka wareeriyey waxaan oran karnaa waxay bahwadaag yihiin qoladii galbatay ee la oran jiray Muctasilada,maxaa yeelay Muctasiladu waxay wax walba ka hormariyeen caqliga kitaabka iyo sunnadaba ha ahaatee, casraaniyiintuna waa tabtoodii,  Muctasiladu waxay sameeyeen in ay aayaadka muxkamka ah u fasiraan sida caqligoodu hadba rabo, waana tan ay ku dhiseen aasaasyadooda shanta ah[5], sidoo kale Muctasiladu waxay diideen xadiisyada hal saxaabi wariyey (Al aaxaad), intaa kuma joogsan ee waxay diideen xadiisyo dad badani wariyeen  (Al mutawaatir) markii uu caqligooda nus wiqiyadda ah u cuntami waayey, si taasi ugu suuq gasho waxay weerar qaawan ku qaadeen qaar ka mid ah saxaabada Allaha ka raalli noqdee.

Aragtida Muctasiladu waxay fursad siisay Casraaniyiinta cusub  ee  abuurmay xilli reer galbeedku ka itaal roonaaday dunida muslinka ah, Mustashriqiinta iyo hay’adaha kiristaamayntuna ay ku xoogaysteen dunida islaamka, sidaa darteed ragga casri is moodka ah waxaa mad-hab u noqday in ay daba gucleeyaan dhaqanka iyo ilbaxnimada reer galbeedka khayr iyo sharba.

Muctasiladu waxay ku saamoobeen falsafaddii giriiggii hore, tii hindida iyo suugaantii reer beershiya (Faaris), waxaa xusid mudan in hormuudka Muctasiladu u badnaayeen beershiyiin, sidaa darteed waxay qur’aanka u fasireen si waafaqsan falsafadahaas, waxayna beeniyeen xadiis walba oo falsafaddaas ka hor jeeda.[6]

Muctasiladu waxay isku dhereriyeen saxaabadii A.K.R.N ayaga oo leh waa aadane  oo wax baa laga sheegi karaa, dhabtuna waa in xadiisyada ay wariyeen ay ka hor imaanayaan aasaasyadooda gundhigga u ah, haddaan xoogaa kaaga tilmaamo aflagaaddadii ay gaysteen madaxdoodu waxaa ka mid ah.

  • Camr ina Cubayd: waa oday ka mid ah hormuudka muctasilada wuxuu yiri: ( Alle ayaan ku dhaartaye  haddii Cali, Cusmaan, Dalxah & Subayr ay ka markhaati kici lahaayeen kabo yeeshood (suun dambeedkood) ma aanan aqbaleen), sidoo kale wuxuu yiri: (Maxaad maarriin madow xiga ku falaysaa (Samrah) Allaha xumeeyee)[7] ogoow wuxuu caayayaa Samurah ina Jundub A.K.R.N.

Waa caado lagu yaqaan dadka lunsan in ay u gafaan saxaabada, culimada, diinta iyo wax alle wixii ay u arkaan in ay ka hor imaanayaan mabaadii’dooda qalloocan, waxaad u jeeddaa Muctasilgaan iyo ragga uu caayayo inta ay isu jiraan, waxaan ka duwanayn kuwa cusub ee soo biloday bilowgii qarnigii tegay oo ilaa hadda jooga, inkasta oo aan afsoomaali lagu qori jirin aragtiyohooda misana maanta waa la bilaabay in laynoo soo turjumo Casraaniyiinta iyo kuwo kale oo aan ka fogayn qabkooda sida Shiicada, Qur’aaniyiinta, Cilmaaniyiinta, Mustashriqiinta iwm, waliba waxaad arkaysaa ayadii oo laysku soo barxay kulligood ama qaarkood.

Casraaniyiintu waxba reebi maayaan, xadiiskii aan dhaqanka iyo ilbaxnimada reer galbeedka la jaanqaadi Karin waa waxba kama jiraan, Fiqhiga diintu waa waxba kama jiraan, axkaamta qaybteed waa sidoo kale, culimadu waa Rabbi iska yeel!, waxaas oo idil waa qiiq isku qarin ee ujeeddada dhabta ahi waa dumin lagu duminayo diinta Islaamka, waxaan soo xusuustay tixdii ahayd.

Haddii uu Aboorkii Maskii ka ilko weynaaday

Oo Aarkii libaax ahaa Dawaco ka ashtakoonaayo

Ari geel harraatiyeyna waa la arki doonaa.

Aniga oo si mug leh uga warrami doona Casraaniyiinta guud ahaan, ayaan rabaa in aan idiin tilmaamo meesha ay ku abtirsadaan aragti ahaan, maadaama Muctasilada caqligu uga horreeyo kitaabka iyo sunnada Casraaniyiintuna waa sidoo kale, maadaama  Muctasiladu ay ka cabtey togaggii wasakhaysnaa ee falsafiyiintii giriiggii hore, hindidii iyo beershiyiintii Casraaniyiintuna waxay ku daba tukadaan falaasifadii iyo diinlaawayaashii reer yurub ee kaniisadaha ka horyimid sida Kaaral Maarkis iyo kuwa la halmaala, Muctasiladu waxay diideen xadiisyo badan oo falsafadda ama caqligooda ka horyimid Casraaniyiintuna waa sidoo kale waxaaba ayaga u sii dheer aragti ka dhalatay baqdin, Muctasiladu waxay diideen axkaam badan Casraaniyiintuna waa la mid oo waxay diideen xukummada kala ah Riddada, Rajmiga iyo qaar kale.

Muctasiladu waxay caayi jireen saxaabada A.K.R.N qaar badan oo ka mid ah si ay u diidaan xadiisyada ay weriyeen, Casraaniyiintu waxay caayeen saxaabo, fuqoho iyo culimo waaweyn si ay u diidaan qodobbo asal ah oo diinta xaggeeda lama taabtaan ah, waa sidii dibjir aan waligii tacliin arag oo leh cuf isjiidadku (Garvity) waa been oo waxaa ii sheegay saaxiib hore oo koollada dhuuqi jirey!, marka waxay la ollogyihiin oo ay ka dab qaataan qoladaas inkasta oo ay wax ku kala duwanyihiin haddana waa sidii wiil iyo aabbihii.

Ninba bartii aabihii maruu budulki raacaaye

Basarkaygu waa kaa haddaad baran siciidoow e.  C.Y.Keenadiid

Sheekh Fu’aad Max’ud X.Nuur 

[1] Alcasraaniyuun bayna mazaacim altajdiid wa mayaaddiin altaghriib, bogga 5aad

[2] Alqaamuus alingliizi, Muniir Albaclabaki, bogga 586.

[3] Mafhuumu tajdiid Aldiin, Busdhaami Muxamed Saciid, bogga 96-97.

[4] The making of modern mind, John Herman Randall.

[5] Shantu waa: Altawxiid, Alcadl, Alwacd wal waciid, Almanzilah bayna almanzilatayn, Alamru bil macruuf wannahyu can Almunkar.

[6] Alsunnah wa makaanatuhaa fitashriic Alislaami, Dr.Mutafaa Alsubaaci.

[7] Taariikhu AlBaqdaad, Abuubakar Axmed bin Cali Alkkadiib Albaqdaadi, juska 12aad bogga 176-178