PUNTLAND ma XAQ baa ka maqan, ma mid baa ku maqan, mise XAQ dad…..?

Puntland ma xaq baa ka maqan, ma mid baa ku maqan, mise xaq dad kale ayay u doodaysaa?

Waxaa magaalada Garoowe gaaray Wasiirka 1-aad ee dalka Soomaaliya Cabdi Weli Sheekh oo la kulmi doona Puntland oo uu kala hadli doono arrimo badan.

Puntland waa gobol ka tirsan dalka Somalia oo xaq u leh wax kasta oo ay helaan gobollada kale, laakiin waxaa in badan soo noqotay cabashada Puntland oo marar badan ka badbadisa waxa ka maqan, waxa ay xaq u leedahay iyo waxyaabaha ay xaq u leedahay inay ka hadasho.

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Xaaji (Camay) ayaa yiri sida soo socota: ”Haddii aan wada hadallada ay dowladdu la geleyso Somaliland laga qaybgelin Puntland, wuxuu noqonayaa shir-beeleed”.

Marka aad warkan oo kale aragto oo aad ku darto inaysan Puntland weli ogolaanin xuquuqdii ay ku lahayd dowladda dhexe sida in gobolka la geeyo ciidamada qalabka sida iyo waaxaha socdaalka, kastamka IWM, balse ay iyadu u qaylinayso xuquuq ka maqan waxaad durbadiiba ogaanaysaa in Puntland ay u doodayso sad-bursi.

Sababtu waxay tahay in marka qodobkaan oo kaliya la dul istaago aad ogaanayso in ama Puntland aysan weli fahamsanayn hannaanka federaalka ama ay fahamsan tahay, laakiin aysan doonayn inay u hogaansanto.

Bal eeg sida loo dhigay qoraalkan, ma sidii laba dal baa mise waa dowlad booqatay gobol dalkeeda ka mid ah
Bal eeg sida loo dhigay qoraalkan, ma sidii laba dal baa mise waa dowlad booqatay gobol dalkeeda ka mid ah

Puntland dowladda dhexe waxaa ugu jira xidhibaanno, wasiirro, safiirro iyo holwadeenno kale, marka maxay tahay baahida keenaysa in gobol uu yiraahdo waa in nala waydiiyaa wixii ay dowladdu samaynayso, in gobol yiraahdo xiriir baan dowladda u jarnay, in gobol yiraahdo arimaha maxalliga ah ee Somalia beesha caalamku goob joog haka ahaato, in gobol ku doodo shidaal aan qodi lahayn bay dowladdu naga hor istaagtay, soow shidaalku maaha howl dowadda dhexe u taalla?

Dowladda federaalka ah waxaan usoo jeedinaynaa inay walaalaha Puntland xaqooda siiyaan, isla markaana xaqooda ka dalbadaan sida inay dowladdu ciidamo gayso gobolkaasi iyo inay la wareegto garoomada, dekedaha iyo kastamka, waxaan kaloo u sheegaynaa inaan gobollada kale yeeli doonin in Puntland oo aan maanta shilin soo gelin dalka Somalia la siiyo muhiimad aysan mudnayn iyadoo la iska indha tirayo gobollo dowladda uga muhiimsan Puntland sida dhanka dhakhliga, canshuuraha, u hogaansanaanta iwm.

Sidoo kale dowladdu waa inay diiddaa barotokool xumada gobollada qaarkood sida calamada la isbarbar surayo waayo taasu waxay ka dhigan tahay inay madaxda dowladu ay dal kale booqdeen, marka madaxda lasoo dhowaynayo waa in meesha oo dhan laga saaraa calan gobol, sida uu dhigayo sharciga federaalka adduunka.

Waa in la baraa maamul-goboleedyada inay iskaga qasan tahay howlihii ay xaqa u lahaayeen ee ismaamul-hoosaadka iyo kuwa ay ku jiraan sida samaynta wasaarad arrimo dibadeed iyo mid iskaashi caalami ah, la hadalka iyo la kulanka dalalka dibedda iwm.

Waa in runta la isu sheegaa haddii kale yaab dadka been lagu maaweelin ileen been iyo sad-bursi waa wixii burburka keenay ee ay dadku isu laayeene.

Waxaa Qoray: Kaliil Cali Geeddi

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid